Al-Baqara 2:49
البقرةوَإِذْ نَجَّيْنَـٰكُم مِّنْ ءَالِ فِرْعَوْنَ يَسُومُونَكُمْ سُوٓءَ ٱلْعَذَابِ يُذَبِّحُونَ أَبْنَآءَكُمْ وَيَسْتَحْيُونَ نِسَآءَكُمْ ۚ وَفِى ذَٰلِكُم بَلَآءٌ مِّن رَّبِّكُمْ عَظِيمٌ
49. (Xusuusta) markaan idinka badbaadinnay dadkii Fircoon [11], ee idin dhadhansiiyey cadaab tan u daran, iyagoo dilayey wiilashiinna, oo deysanayey haweenkiinna (si ay ugu adeegtaan), waxaana taas ku sugnaa imtixaan weyn xagga Rabbigiin ah.
[11]. Fircoon waa naynaas lagu magacabi jirey boqorradii Masar ee waa’ hore jirey, waxaa ku soo arooray taariikhda in Fircoonkii xukumayey Masar waagii Muuse uu ahaa Menephthan ina Ramsiis.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net