Al-Baqara 2:44
البقرةأَتَأْمُرُونَ ٱلنَّاسَ بِٱلْبِرِّ وَتَنسَوْنَ أَنفُسَكُمْ وَأَنتُمْ تَتْلُونَ ٱلْكِتَـٰبَ ۚ أَفَلَا تَعْقِلُونَ
44. Ma waxaad amraysaan samaan dadka oo hilmaameysaan nafahiinna [10] idinkoo akhriya Kitaabka? Miyeydaan wax fahmin?
[10]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Waxaa Maalinta Qiyaame la keeni nin oo lagu tuuri Naarta, markaasuu wuxuu ku dhex wareegaaleysan ehlu Naarka sida dameerka ugu wareegsado shiidkiisa, markaasay isugu soo ururi ehlu Naarka oo weydiin: Hebelow, ma waadan fari jirin samaanta oo reebi jirin xumaanta, markaasuu wuxuu odhan: Waxaan fari jirey samaanta mana fali jirin oo reebi jirey xumaanta anigaana fali jirey.”
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net