U bood nuxurka
Suuradda 2 · Aayadda 30

Al-Baqara 2:30

البقرة

وَإِذْ قَالَ رَبُّكَ لِلْمَلَـٰٓئِكَةِ إِنِّى جَاعِلٌ فِى ٱلْأَرْضِ خَلِيفَةً ۖ قَالُوٓا۟ أَتَجْعَلُ فِيهَا مَن يُفْسِدُ فِيهَا وَيَسْفِكُ ٱلدِّمَآءَ وَنَحْنُ نُسَبِّحُ بِحَمْدِكَ وَنُقَدِّسُ لَكَ ۖ قَالَ إِنِّىٓ أَعْلَمُ مَا لَا تَعْلَمُونَ

Macne

30. (Xus, Nabiyow) markuu Rabbigaa ku yidhi malaa’igta: Waxaan yeeli dhulka facyo is xigsada oo maamula. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad yeelaysaa gudaheeda kuwo fasahaadsha oo dhiig daadsha, innagoo ku tasbiixsanna xamdigaaga oo ku hufna, oo ku xurmo weyneyna. (Alle) Wuxuu yidhi: Waxaan ogahay wax aydaan ogeyn.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Baqara

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net