Al-Baqara 2:285
البقرةءَامَنَ ٱلرَّسُولُ بِمَآ أُنزِلَ إِلَيْهِ مِن رَّبِّهِۦ وَٱلْمُؤْمِنُونَ ۚ كُلٌّ ءَامَنَ بِٱللَّهِ وَمَلَـٰٓئِكَتِهِۦ وَكُتُبِهِۦ وَرُسُلِهِۦ لَا نُفَرِّقُ بَيْنَ أَحَدٍ مِّن رُّسُلِهِۦ ۚ وَقَالُوا۟ سَمِعْنَا وَأَطَعْنَا ۖ غُفْرَانَكَ رَبَّنَا وَإِلَيْكَ ٱلْمَصِيرُ
285. Rasuulku wuxuu rumeeyey waxa lagaga soo dejiyey Waxyi ahaan xagga Rabbigi, oo (waa sidaas) mu’miniintu. Waxay kulligood rumeeyeen Allaah, Malaa’igtiisa, Kutubtiisa iyo Rusushiisa; Ma kala soocno midkoodna ka mid ah Rusu- shiisa dhexdooda, waxayna yidhaahdaan: Waanu maqallayoo adeecnay. Rabbigayow! Denbi Dhaafiddaada (yaanu kaa baryi), waana Xaggaaga meel noqodka dambe.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net