Al-Baqara 2:267
البقرةيَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ أَنفِقُوا۟ مِن طَيِّبَـٰتِ مَا كَسَبْتُمْ وَمِمَّآ أَخْرَجْنَا لَكُم مِّنَ ٱلْأَرْضِ ۖ وَلَا تَيَمَّمُوا۟ ٱلْخَبِيثَ مِنْهُ تُنفِقُونَ وَلَسْتُم بِـَٔاخِذِيهِ إِلَّآ أَن تُغْمِضُوا۟ فِيهِ ۚ وَٱعْلَمُوٓا۟ أَنَّ ٱللَّهَ غَنِىٌّ حَمِيدٌ
267. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Wax ka bixiya waxyaalaha wanaagsan aad kasbataan iyo waxaanu idiinka soo saarnay arlada, oo ha u kas bixinnina kiisa xun [80], oo idinkuba aydaan ku qaadateen indho damuuqsi maahee. Ogaadana inuu Alle yahay Deeqtoone, Ammaanan.
[80]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii sadaqeysta maal xaaraan ah lagama aqbalo, hadduu ka tagana maal xaaraan ah wuxuu ku noqon dab naareed”.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net