Al-Baqara 2:257
البقرةٱللَّهُ وَلِىُّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ يُخْرِجُهُم مِّنَ ٱلظُّلُمَـٰتِ إِلَى ٱلنُّورِ ۖ وَٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ أَوْلِيَآؤُهُمُ ٱلطَّـٰغُوتُ يُخْرِجُونَهُم مِّنَ ٱلنُّورِ إِلَى ٱلظُّلُمَـٰتِ ۗ أُو۟لَـٰٓئِكَ أَصْحَـٰبُ ٱلنَّارِ ۖ هُمْ فِيهَا خَـٰلِدُونَ
257. Alle waa waliga [75] kuwa rumeysan. Wuxuu kaga saaraa mugdiyada xagga Nuurka [76]. Kuwase aan (Xaqa) rumeysneyn gargaarayaashoodu waa shaydaammada Waxay kaga saaraan Nuurka xagga mugdiyada. Kuwaa weeye ehlu Naarka, gudaheeda bay ku dhex waari.
[75]. Wali waxaa halkan loola jeedaa difaace, taageere, gargaare, sokeeye, iwm.
[76]. Nuurka waa mid oo waa Xaqa, halka mugdiyada badan yihiin sida shirkiga, gaalnimada, shakiga, nifaaqa, macaasida, iwm.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net