U bood nuxurka
Suuradda 2 · Aayadda 253

Al-Baqara 2:253

البقرة

تِلْكَ ٱلرُّسُلُ فَضَّلْنَا بَعْضَهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ ۘ مِّنْهُم مَّن كَلَّمَ ٱللَّهُ ۖ وَرَفَعَ بَعْضَهُمْ دَرَجَـٰتٍ ۚ وَءَاتَيْنَا عِيسَى ٱبْنَ مَرْيَمَ ٱلْبَيِّنَـٰتِ وَأَيَّدْنَـٰهُ بِرُوحِ ٱلْقُدُسِ ۗ وَلَوْ شَآءَ ٱللَّهُ مَا ٱقْتَتَلَ ٱلَّذِينَ مِنۢ بَعْدِهِم مِّنۢ بَعْدِ مَا جَآءَتْهُمُ ٱلْبَيِّنَـٰتُ وَلَـٰكِنِ ٱخْتَلَفُوا۟ فَمِنْهُم مَّنْ ءَامَنَ وَمِنْهُم مَّن كَفَرَ ۚ وَلَوْ شَآءَ ٱللَّهُ مَا ٱقْتَتَلُوا۟ وَلَـٰكِنَّ ٱللَّهَ يَفْعَلُ مَا يُرِيدُ

Macne

253. Rusushan waxaan ka yeelnay qaar ka mid ah inay dheer yihiin fadli qaar kale oo iyaga ah; waxaa ka mid ah kuwo uu Alle (toos) ula hadlay (sida Aadam, Muuse, iyo Muxammad); wuxuuna kor u qaaday qaarkood darajooyin (Nuux, Ibraahiim, Muuse, Ciise iyo Muxammad); Waxaanuna siinnay Ciise, ina Maryam, Xujooyin cad, oo ku xoojinnay Ruuxa Daahirka (Jabriil). Hadduu Alle doono, facyadaas xigsaday ma ay is dagaaleen, kaddib markay Xujooyin cad u yimaadeen, (wuxuuse siiyey akhyaar xagga diinta, sidaa awgeed) way iskhilaafeen – marka waxaa jiray qaar ka mid ahoo rumeeyey, iyo kuwo gaaloobay. Hadduu Alle doonona, ma ay is dagaaleen, wuxuuse Alle falaa wuxuu doono.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Baqara

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net