U bood nuxurka
Suuradda 2 · Aayadda 25

Al-Baqara 2:25

البقرة

وَبَشِّرِ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ أَنَّ لَهُمْ جَنَّـٰتٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَـٰرُ ۖ كُلَّمَا رُزِقُوا۟ مِنْهَا مِن ثَمَرَةٍ رِّزْقًا ۙ قَالُوا۟ هَـٰذَا ٱلَّذِى رُزِقْنَا مِن قَبْلُ ۖ وَأُتُوا۟ بِهِۦ مُتَشَـٰبِهًا ۖ وَلَهُمْ فِيهَآ أَزْوَٰجٌ مُّطَهَّرَةٌ ۖ وَهُمْ فِيهَا خَـٰلِدُونَ

Macne

25. Ugu bishaaree kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, inay leeyihiin beero (Jannooyin) ay hoostoodu webiyo qulqulaan. Mar kasta oo laga siiyo midho, Waxay odhan: Kani waa wixii hore naloo siiyey oo kale, waxaana la siiyey iyagoo isu eg (muuqaal ahaan kala duwan se dhadhan ahaan), waxayna ku leeyihiin dhexdeeda (Jannada) xaasas la daahiriyey, wayna ku dhex waari weligood.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Baqara

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net