U bood nuxurka
Suuradda 2 · Aayadda 249

Al-Baqara 2:249

البقرة

فَلَمَّا فَصَلَ طَالُوتُ بِٱلْجُنُودِ قَالَ إِنَّ ٱللَّهَ مُبْتَلِيكُم بِنَهَرٍ فَمَن شَرِبَ مِنْهُ فَلَيْسَ مِنِّى وَمَن لَّمْ يَطْعَمْهُ فَإِنَّهُۥ مِنِّىٓ إِلَّا مَنِ ٱغْتَرَفَ غُرْفَةًۢ بِيَدِهِۦ ۚ فَشَرِبُوا۟ مِنْهُ إِلَّا قَلِيلًا مِّنْهُمْ ۚ فَلَمَّا جَاوَزَهُۥ هُوَ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ مَعَهُۥ قَالُوا۟ لَا طَاقَةَ لَنَا ٱلْيَوْمَ بِجَالُوتَ وَجُنُودِهِۦ ۚ قَالَ ٱلَّذِينَ يَظُنُّونَ أَنَّهُم مُّلَـٰقُوا۟ ٱللَّهِ كَم مِّن فِئَةٍ قَلِيلَةٍ غَلَبَتْ فِئَةً كَثِيرَةًۢ بِإِذْنِ ٱللَّهِ ۗ وَٱللَّهُ مَعَ ٱلصَّـٰبِرِينَ

Macne

249.Markuu Daaluud la baxay ciidammadii, wuxuu yidhi: Alle wuxuu idinku imtixaani webi. Ee qofkii ka cabbaa, iga mid ma aha, qofkiise aan dhadhamin waa iga mid, mid isagu mar ku darsada gacantiisa ma’ahee; markaasay ka cabbeen in yar maahee. Markaasuu markuu ka gudbay (webigii) isaga iyo kuwii rumeeyay ee la jiray, waxay yidhaahdeen: Ma lihin maanta awood aan kaga hor tagno Jaaluut iyo ciidammadiisa. Kuwiise yaqiinsanaa inay la kulmayaan Rabbigood,waxay yidhaahdeen: Badanaa intay koox yari ka adkaatay koox badan Idanka Alle, Allena wuxuu la jiraa kuwa samir yeesha.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Baqara

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net