Al-Baqara 2:246
البقرةأَلَمْ تَرَ إِلَى ٱلْمَلَإِ مِنۢ بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ مِنۢ بَعْدِ مُوسَىٰٓ إِذْ قَالُوا۟ لِنَبِىٍّ لَّهُمُ ٱبْعَثْ لَنَا مَلِكًا نُّقَـٰتِلْ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ ۖ قَالَ هَلْ عَسَيْتُمْ إِن كُتِبَ عَلَيْكُمُ ٱلْقِتَالُ أَلَّا تُقَـٰتِلُوا۟ ۖ قَالُوا۟ وَمَا لَنَآ أَلَّا نُقَـٰتِلَ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ وَقَدْ أُخْرِجْنَا مِن دِيَـٰرِنَا وَأَبْنَآئِنَا ۖ فَلَمَّا كُتِبَ عَلَيْهِمُ ٱلْقِتَالُ تَوَلَّوْا۟ إِلَّا قَلِيلًا مِّنْهُمْ ۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌۢ بِٱلظَّـٰلِمِينَ
246. Miyaadan ogaan (arrinka) xildhibaannadii ilmahii Israa’iil ee ka dambeeyey (waqtigii) Muuse? Markay ku yidhaahdeen Nabi loo soo diray: Noo magacow boqor, waxaanu u dagaallami Jidka Alle. (Nabigoodii) wuxuu yidhi: Ma laga yaabaa inaad dagaallami weydaan, haddii la idinku waajibiyo dagaal gal? Waxay yidhaahdeen: Maxaanaan ugu dagaalamayn Jidka Alle innagoo nalaka soo saaray guryahayagii iyo carruurtayadii. Markiise lagu waajibiyey dagaalka dhabarkay jeediyeen, in yar oo ka mid ah maahee. Alle wuu og yahay daalimiinta.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net