U bood nuxurka
Suuradda 2 · Aayadda 233

Al-Baqara 2:233

البقرة

وَٱلْوَٰلِدَٰتُ يُرْضِعْنَ أَوْلَـٰدَهُنَّ حَوْلَيْنِ كَامِلَيْنِ ۖ لِمَنْ أَرَادَ أَن يُتِمَّ ٱلرَّضَاعَةَ ۚ وَعَلَى ٱلْمَوْلُودِ لَهُۥ رِزْقُهُنَّ وَكِسْوَتُهُنَّ بِٱلْمَعْرُوفِ ۚ لَا تُكَلَّفُ نَفْسٌ إِلَّا وُسْعَهَا ۚ لَا تُضَآرَّ وَٰلِدَةٌۢ بِوَلَدِهَا وَلَا مَوْلُودٌ لَّهُۥ بِوَلَدِهِۦ ۚ وَعَلَى ٱلْوَارِثِ مِثْلُ ذَٰلِكَ ۗ فَإِنْ أَرَادَا فِصَالًا عَن تَرَاضٍ مِّنْهُمَا وَتَشَاوُرٍ فَلَا جُنَاحَ عَلَيْهِمَا ۗ وَإِنْ أَرَدتُّمْ أَن تَسْتَرْضِعُوٓا۟ أَوْلَـٰدَكُمْ فَلَا جُنَاحَ عَلَيْكُمْ إِذَا سَلَّمْتُم مَّآ ءَاتَيْتُم بِٱلْمَعْرُوفِ ۗ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَٱعْلَمُوٓا۟ أَنَّ ٱللَّهَ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ

Macne

233. Hooyooyinku waxay nuujin ilmahooda labo sano oo kaamil ah, ciddii doonta inay taam yeesho muddada nuujinta, masruufkooda iyo marashadooda waa inuu xilkeeda qaado aabbaha si la yaqaan. Ma saarna nafna waxay awooddo maahee. Hooyona waa inaan laga yeelin inay dhibtooto ilmaheeda darti iyo aabbe ilmaha uu dhalay darti. Oo xil la mid ah (wuxuu saaran yahay) warasada (aabbaha). Haddayse labaduba doonaan inay ka gooyaan naaska raalli iyagoo ku ah wada tashi kaddib, ma jiro wax eed ahi oo saaran. Haddaad u doontaan hooyo nuujiso ah oo kale ilmahiinna, ma jiro wax eed ahi oo idin saaran, haddaad siisaan (hooyada) waxaad ku heshiisaan (inaad siisaan) si la yaqaan. Oo dhowra (xilkuu idin saaray) Alle, ogaadana in Alle uu Arko waxaad fashaan.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Baqara

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net