Al-Baqara 2:226
البقرةلِّلَّذِينَ يُؤْلُونَ مِن نِّسَآئِهِمْ تَرَبُّصُ أَرْبَعَةِ أَشْهُرٍ ۖ فَإِن فَآءُو فَإِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ
226. Kuwa ka dhaarta xaasaskooda [66], waxaa la sugayaa afar bilood [67], Hadday ka soo noqdaan (Muddadaa ka hor), hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
[66]. In muddo ah inaysan u galmooneyn.
[67]. Markay dhammaato muddada afarta bilood ah uu ka dhaartay xaaskiisa, waa in la joojiyo ilaa uu ka furo. Mana dhacayo furriinka jeer uu furo.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net