U bood nuxurka
Suuradda 2 · Aayadda 221

Al-Baqara 2:221

البقرة

وَلَا تَنكِحُوا۟ ٱلْمُشْرِكَـٰتِ حَتَّىٰ يُؤْمِنَّ ۚ وَلَأَمَةٌ مُّؤْمِنَةٌ خَيْرٌ مِّن مُّشْرِكَةٍ وَلَوْ أَعْجَبَتْكُمْ ۗ وَلَا تُنكِحُوا۟ ٱلْمُشْرِكِينَ حَتَّىٰ يُؤْمِنُوا۟ ۚ وَلَعَبْدٌ مُّؤْمِنٌ خَيْرٌ مِّن مُّشْرِكٍ وَلَوْ أَعْجَبَكُمْ ۗ أُو۟لَـٰٓئِكَ يَدْعُونَ إِلَى ٱلنَّارِ ۖ وَٱللَّهُ يَدْعُوٓا۟ إِلَى ٱلْجَنَّةِ وَٱلْمَغْفِرَةِ بِإِذْنِهِۦ ۖ وَيُبَيِّنُ ءَايَـٰتِهِۦ لِلنَّاسِ لَعَلَّهُمْ يَتَذَكَّرُونَ

Macne

221. Ha guursannina haweenka mushrikadaha ah jeeray (Xaqa) rumeeyaan, addoonad mu’minad ah baana ka khayr roon mushrikad haba idin cajabisee. Hana u guurinnina (gabdhihiinna mu’mindaha ah) ragga mushrikiinta ah jeeray (Xaqa) rumeeyaan. Addoon mu’min ah baana ka khayr roon Mushrik haba idin cajabiyee. Kuwani waxay idiinku yeedhi Naar, Allena wuxuu idiinku yeedhi Janno iyo denbi dhaaf si idankiisa ah, wuxuuna u caddayn Aayadahiisa dadka si ay u xusuustaan.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Baqara

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net