U bood nuxurka
Suuradda 2 · Aayadda 203

Al-Baqara 2:203

البقرة

وَٱذْكُرُوا۟ ٱللَّهَ فِىٓ أَيَّامٍ مَّعْدُودَٰتٍ ۚ فَمَن تَعَجَّلَ فِى يَوْمَيْنِ فَلَآ إِثْمَ عَلَيْهِ وَمَن تَأَخَّرَ فَلَآ إِثْمَ عَلَيْهِ ۚ لِمَنِ ٱتَّقَىٰ ۗ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَٱعْلَمُوٓا۟ أَنَّكُمْ إِلَيْهِ تُحْشَرُونَ

Macne

203. Xusa Alle inta lagu jiro maalmaha tirsan [58]; qofkii degdega si uu u tago labo maalmood gudahood [59], ma jiro wax denbi ah oo saaran, qofkiina dib u hara [60] ma jiro wax denbi ah oo saaran, (kani) waxaa iska leh kan iska jira (xumaha), oo dhowra (xilkuu idin saaray) Alle, ogaadana in Xaggiisa la idiin soo wada kulmin.

[58]. Maalmo tirsan waa seddexda maalmood ee xiga maalinta Ciidda Adxada waana maalinta kow iyo tobnaad iyo maalinta labo iyo tobnaad iyo maalinta seddex iyo tobnaad , waxaana loo yaqaan ayaamu tashriiq maalmaha hilba waradka.
[59]. Waa maalinta 12aad ee Xajka.
[60]. Maalinta 13aad ee Xajka.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Baqara

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net