U bood nuxurka
Suuradda 2 · Aayadda 200

Al-Baqara 2:200

البقرة

فَإِذَا قَضَيْتُم مَّنَـٰسِكَكُمْ فَٱذْكُرُوا۟ ٱللَّهَ كَذِكْرِكُمْ ءَابَآءَكُمْ أَوْ أَشَدَّ ذِكْرًا ۗ فَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يَقُولُ رَبَّنَآ ءَاتِنَا فِى ٱلدُّنْيَا وَمَا لَهُۥ فِى ٱلْـَٔاخِرَةِ مِنْ خَلَـٰقٍ

Macne

200. Markaad dhammeysataan cibaadoo- yinkiinna, Xusa Alle sidaad u xustaan aabbayaashiin [56] ama xusid ka badan [57]. Dadkase waxaa ka mid ah kuwo yidhaah- da: Rabbigayow! Wax nagu sii adduunka oo aan ku lahayn Aakhirada qaybna.

[56].Waxaa caado u ahayd Carabta kaddib gudashada Xajka xuska awoowooyinkood, markay soo degtay Aayaddan waxaa lagu beddelay caadadan xusidda Ilaahay.
[57]. Waxaa loola jeedaa dikirga halkan qowlka Allaahu akbar, Subxaanallaah, Al-Xamdu Lillaah, iwm.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Baqara

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net