U bood nuxurka
Suuradda 2 · Aayadda 197

Al-Baqara 2:197

البقرة

ٱلْحَجُّ أَشْهُرٌ مَّعْلُومَـٰتٌ ۚ فَمَن فَرَضَ فِيهِنَّ ٱلْحَجَّ فَلَا رَفَثَ وَلَا فُسُوقَ وَلَا جِدَالَ فِى ٱلْحَجِّ ۗ وَمَا تَفْعَلُوا۟ مِنْ خَيْرٍ يَعْلَمْهُ ٱللَّهُ ۗ وَتَزَوَّدُوا۟ فَإِنَّ خَيْرَ ٱلزَّادِ ٱلتَّقْوَىٰ ۚ وَٱتَّقُونِ يَـٰٓأُو۟لِى ٱلْأَلْبَـٰبِ

Macne

197. Xajka (waxaa la gutaa) bilaha la yaqaan [53]. Ee qofkii goosta inuu guto Xaj dhexdooda markaa waa inaysan ka dhicin galmood [54] iyo macsi iyo muran midna Xajka gudahiisa. Waxaad fashaan oo khayr ah, Alle wuu og yahay, ee sahay qaata, hubaal sahayda ugu wanaagsan waa qofka oo iska ilaasha (xumaha). Dhowrana (xilkuu idin saaray) Alle, dadka wax garadka ahow!

[53]. Bilaha xajka waa bisha Shawwaal, Dul Qacdah iyo Xajka.
[54]. Ar-Rafath waxaa loola jeedaa hadalka dareenka shahwada kiciya ama af lagaaddada ah ama galmada.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Baqara

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net