U bood nuxurka
Suuradda 2 · Aayadda 189

Al-Baqara 2:189

البقرة

يَسْـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلْأَهِلَّةِ ۖ قُلْ هِىَ مَوَٰقِيتُ لِلنَّاسِ وَٱلْحَجِّ ۗ وَلَيْسَ ٱلْبِرُّ بِأَن تَأْتُوا۟ ٱلْبُيُوتَ مِن ظُهُورِهَا وَلَـٰكِنَّ ٱلْبِرَّ مَنِ ٱتَّقَىٰ ۗ وَأْتُوا۟ ٱلْبُيُوتَ مِنْ أَبْوَٰبِهَا ۚ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ

Macne

189. Waxay wax kaa weydiin Bilaha dhasha. Dheh: Waa waqtiyo loo cayimay dadka iyo Xajka. Ma ahana samahu inaad guryaha ka soo gashaan duleedkooda [46], waxaase sama ah in qofku iska jiro (xumaha), ugana imaada guryaha albaabbadooda, dhowrana (xilkuu idin saaray) Alle si aad u liibaantaan.

[46]. Waagii jaahiliyaddda qofka u xarman Xajka wuxuu ka soo gali jirey guriga duleedka iyo halka dambe, oo kama soo geli jirin horay, markaasay asxaabtii wax ka weydiiyeen taasi Rasuulkii Alle, markaasay soo degtay Aayaddan.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Baqara

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net