U bood nuxurka
Suuradda 2 · Aayadda 187

Al-Baqara 2:187

البقرة

أُحِلَّ لَكُمْ لَيْلَةَ ٱلصِّيَامِ ٱلرَّفَثُ إِلَىٰ نِسَآئِكُمْ ۚ هُنَّ لِبَاسٌ لَّكُمْ وَأَنتُمْ لِبَاسٌ لَّهُنَّ ۗ عَلِمَ ٱللَّهُ أَنَّكُمْ كُنتُمْ تَخْتَانُونَ أَنفُسَكُمْ فَتَابَ عَلَيْكُمْ وَعَفَا عَنكُمْ ۖ فَٱلْـَٔـٰنَ بَـٰشِرُوهُنَّ وَٱبْتَغُوا۟ مَا كَتَبَ ٱللَّهُ لَكُمْ ۚ وَكُلُوا۟ وَٱشْرَبُوا۟ حَتَّىٰ يَتَبَيَّنَ لَكُمُ ٱلْخَيْطُ ٱلْأَبْيَضُ مِنَ ٱلْخَيْطِ ٱلْأَسْوَدِ مِنَ ٱلْفَجْرِ ۖ ثُمَّ أَتِمُّوا۟ ٱلصِّيَامَ إِلَى ٱلَّيْلِ ۚ وَلَا تُبَـٰشِرُوهُنَّ وَأَنتُمْ عَـٰكِفُونَ فِى ٱلْمَسَـٰجِدِ ۗ تِلْكَ حُدُودُ ٱللَّهِ فَلَا تَقْرَبُوهَا ۗ كَذَٰلِكَ يُبَيِّنُ ٱللَّهُ ءَايَـٰتِهِۦ لِلنَّاسِ لَعَلَّهُمْ يَتَّقُونَ

Macne

187. Waxaa la idiin banneeyay habeenka soonka inaad u galmootaan xaasaskiinna. Waxay idin yihiin hu’, idinkuna hu’ baad u tihiin. Alle wuu ogaa inaad khiyaamayseen nafahiinna [45], wuuna idinka tawbad aqbalay oo idinka cafiyey (oo qaaday culeyskan). Ee haatan u taga (galmooda) iyaga oo doona waxa Alle idiin qaddaray (oo ilmo ah), oo cuna oo cabba ilaa caddaanka maalintu ka soocmo madowga habeenka waabbarkii, markaas dhammeystira soonka ilaa habeenka. Hana u tegina (galmoonina xaasaskiinna) idinkoo ku jira Ictikaaf masaajidda gudahooda. Kuwani waa xudduudaha (uu dhigay) Alle ee ha u dhowaanina. Sidaas buu Alle ugu cadddeeyaa Aayadihiisa dadka si ay isaga jiraan (shirkiga iyo xumaha kale).

[45]. Intayan soo degin Aayaddan, galmada ninka iyo naagtiisa ma bannaaneyn habeennada ka horreeya maalinta la soomayo. Qaarkood way ku adkaatay inay ka joogaan xaasaskooda oo si qarsoodi ah u caasiyeen, mase khiyaameyn Alle. Kaddib waa la idmay inuu habeenkii u tagi karo, maalintase aysan bannaaneyn.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Baqara

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net