Al-Baqara 2:159
البقرةإِنَّ ٱلَّذِينَ يَكْتُمُونَ مَآ أَنزَلْنَا مِنَ ٱلْبَيِّنَـٰتِ وَٱلْهُدَىٰ مِنۢ بَعْدِ مَا بَيَّنَّـٰهُ لِلنَّاسِ فِى ٱلْكِتَـٰبِ ۙ أُو۟لَـٰٓئِكَ يَلْعَنُهُمُ ٱللَّهُ وَيَلْعَنُهُمُ ٱللَّـٰعِنُونَ
159. Hubaal kuwa qariya [33] waxaan soo dejinnay oo Aayado cad ah iyo hanuun, kaddib markaanu ugu caddeynay dadka Kitaabka, kuwaa weeye kuwa uu Alle nacladi, oo kuwaa wax naclada (malaa'igta, iyo mu'miniinta) ay nacladi doonaan.
[33]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii la warsado cilmi oo qariya isagoo og, waxaa lagu faruur xidhi Qiyaamaha faruur xidh dab ah”.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net