U bood nuxurka
Suuradda 2 · Aayadda 152

Al-Baqara 2:152

البقرة

فَٱذْكُرُونِىٓ أَذْكُرْكُمْ وَٱشْكُرُوا۟ لِى وَلَا تَكْفُرُونِ

Macne

152. Ee i xusa aan idin Xusee [28], oo ii mahad naqa hana iga abaal dhicina [29].

[28]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: Haddaad keli igu xusto, waxaan kugu xusi si keli ah Nafteyda, haddaad I xusto adigoo dad la joogana waxaan kugu xusi kulan ka khayr badan kiinna.”
[29]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Alle wuxuu jecel yahay inay nicmadda raadkeeda ka muuqato addoomahiisa.”

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Baqara

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net