U bood nuxurka
Suuradda 2 · Aayadda 142

Al-Baqara 2:142

البقرة

سَيَقُولُ ٱلسُّفَهَآءُ مِنَ ٱلنَّاسِ مَا وَلَّىٰهُمْ عَن قِبْلَتِهِمُ ٱلَّتِى كَانُوا۟ عَلَيْهَا ۚ قُل لِّلَّهِ ٱلْمَشْرِقُ وَٱلْمَغْرِبُ ۚ يَهْدِى مَن يَشَآءُ إِلَىٰ صِرَٰطٍ مُّسْتَقِيمٍ

Macne

142. Maangaabyada ku dhex jira dadka (Yuhuudda iyo mushrikiinta qaarkood) waxay odhan: Maxaa ka duway qibladdooda ay lahaayeen [26]? Dheh: Bariga iyo galbeedkaba waxaa leh Allaah; Wuxuu ku hanuuniyaa qofkuu doono Jid Toosan (Islaamka).

[26]. Ka hor amarka ku soo arooray Aayadda 144 in Nabiga s.c.w. iyo asxaabtiisa u jeedsadaan Kacbada Makkah ku taal markay tukanayaan, waxay u jeesan jireen Muslimiinta Qudus oo xagga waqooyiga ah. Hirgelinta beddelidda qiblada waxaa lagu xusay Aayadaha xiga.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Baqara

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net