U bood nuxurka
Suuradda 2 · Aayadda 125

Al-Baqara 2:125

البقرة

وَإِذْ جَعَلْنَا ٱلْبَيْتَ مَثَابَةً لِّلنَّاسِ وَأَمْنًا وَٱتَّخِذُوا۟ مِن مَّقَامِ إِبْرَٰهِـۧمَ مُصَلًّى ۖ وَعَهِدْنَآ إِلَىٰٓ إِبْرَٰهِـۧمَ وَإِسْمَـٰعِيلَ أَن طَهِّرَا بَيْتِىَ لِلطَّآئِفِينَ وَٱلْعَـٰكِفِينَ وَٱلرُّكَّعِ ٱلسُّجُودِ

Macne

125. (Xus) markaan ka dhignay Beytka (Kacbada) rug ay dadku ugu soo qasdaan (Xaj iyo Cumro) iyo meel aamin ah. Kana yeesha meel lagu tukado maqaamkii Ibraahiim. Waxaanu u xil saarnay Ibraahiim iyo Ismaaciil Annagoo leh: U daahiriya Beytkayga kuwa soo siyaarta, iyo kuwa ku ictikaafa, iyo kuwa rukuuca (oo) sujuuda.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Baqara

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net