Al-Baqara 2:121
البقرةٱلَّذِينَ ءَاتَيْنَـٰهُمُ ٱلْكِتَـٰبَ يَتْلُونَهُۥ حَقَّ تِلَاوَتِهِۦٓ أُو۟لَـٰٓئِكَ يُؤْمِنُونَ بِهِۦ ۗ وَمَن يَكْفُرْ بِهِۦ فَأُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْخَـٰسِرُونَ
121. Kuwa aanu siinnay Kitaabka (Qur’aanka) baa u akhriya siday tahay in loo akhriyo [25], kuwaa baana rumeysan. Qofkiise rumeyn diida (Qur’aanka) kuwaa weeye kuwa khasaari.
[25]. Kuwa u akhriya Qur’aanka si xaq ah waa kuwa ku dhaqma waxa uu Qur’aanku amro, oo ka jooga waxa uu ka reebay oo u akhriya sida uu Alle u soo dejiyey.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net