Al-Baqara 2:115
البقرةوَلِلَّهِ ٱلْمَشْرِقُ وَٱلْمَغْرِبُ ۚ فَأَيْنَمَا تُوَلُّوا۟ فَثَمَّ وَجْهُ ٱللَّهِ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ وَٰسِعٌ عَلِيمٌ
115. Alle baana iska leh bariga iyo galbeedkaba, meel kastoo aad u jeedsataanna waxaa jira Wejiga Alle [23]. Hubaal Alle waa Deeq Ballaarne, wax kasta Ogsoon.
[23]. Waxaa sidoo kale lagu fasiray qowlka Alle: فَثَمَّ وَجۡهُ ٱللَّهِۚ : "Meel walba oo aad u jeedsataan waa qiblo Ilaahay", sida abbaarta ahse ee sii saxsan labada qowl waa in lagu fasiro Wajiga Ilaahay, inkastoo labadaa qowl ee culimadu ku wada fasireen Aayadda is diidaynin.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net