U bood nuxurka
Suuradda 18 · Aayadda 73

Al-Kahf 18:73

الكهف

قَالَ لَا تُؤَاخِذْنِى بِمَا نَسِيتُ وَلَا تُرْهِقْنِى مِنْ أَمْرِى عُسْرًا

Macne

73. (Muuse) wuxuu yidhi: Ha ii qabanin waxaan hilmaamo [16], hana igu kallifin wax adag aan dhibsado arrinkaygan (wax barashada) darteed.

[16]. Abuu Hurayra a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Alle wuu u dhaafay ummadeyda (wixii ku soo dhaca) naftooda (oo camallo xun ah) marba haddaysan ku dhaqmin ama ku dhawaaqin iyo wixii halmaan uga dhaca iyo wixii lagu qasbo.».

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Kahf

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net