Al-Kahf 18:31
الكهفأُو۟لَـٰٓئِكَ لَهُمْ جَنَّـٰتُ عَدْنٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهِمُ ٱلْأَنْهَـٰرُ يُحَلَّوْنَ فِيهَا مِنْ أَسَاوِرَ مِن ذَهَبٍ وَيَلْبَسُونَ ثِيَابًا خُضْرًا مِّن سُندُسٍ وَإِسْتَبْرَقٍ مُّتَّكِـِٔينَ فِيهَا عَلَى ٱلْأَرَآئِكِ ۚ نِعْمَ ٱلثَّوَابُ وَحَسُنَتْ مُرْتَفَقًا
31. Waa kuwaa kuwa abaalgudkoodu yahay beero negaya (Jannooyinka Cadnin) oo ay hoostoodu qul-qulaan webiyo, waxaa lagu qurxin iyagaa Jannada gudaheeda jijimo dahab ah, oo labbisan qamiisyo cagaaran oo ka sameysan xariir jilicsan iyo xariir adagba iyagoo ku dangiigsan sariiro heer sare ah dushood. Wanaagsanaa abaalgdukaa, oo u fiicanaa meel lagu dego oo la xusul dhigo.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net