U bood nuxurka
Suuradda 18 · Aayadda 24

Al-Kahf 18:24

الكهف

إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ ۚ وَٱذْكُر رَّبَّكَ إِذَا نَسِيتَ وَقُلْ عَسَىٰٓ أَن يَهْدِيَنِ رَبِّى لِأَقْرَبَ مِنْ هَـٰذَا رَشَدًا

Macne

24. (adigoo aan raacin) inshaa Allaah 'Hadduu Alle idmo' [11]. Xusuusona Rabbigaa markaad hilmaanto oo dheh: Waa intaasoo Rabbigay igu hanuuniyo mid uga dhow arrinkani toosnaanta.

[11].Waxaa soo arooray inay qaar ka mid ah Yuhuudda ay su’aaleen Nabiga s.c.w. ruuxda iyo qisadii asxbaaul Kahaf iyo Dul Qarnayn. Markaasuu Nabigu s.c.w. ku yidhi: Ii kaalaya berrito anigaa idin sheegiye, mana odhan inshaa Allaah. Laakiinse waxyi kuma soo degin maalintii xigtay oo Nabigu s.c.w. uma uusan jawaabin? Kaddib waxaa soo degay Aayadaha 23- 24 ee la xidhiidha arrinkaas waxaana halkaa darsin lagu siiyey Nabiga s.c.w. wuxuu Alle kaga digay inuu ilaabo inuu yidhaahdo Inshaa Allaah markaas oo kale, waana u dersin sidoo kale ummaddiisa.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Kahf

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net