U bood nuxurka
Suuradda 17 · Aayadda 76

Al-Israa 17:76

الإسراء

وَإِن كَادُوا۟ لَيَسْتَفِزُّونَكَ مِنَ ٱلْأَرْضِ لِيُخْرِجُوكَ مِنْهَا ۖ وَإِذًا لَّا يَلْبَثُونَ خِلَـٰفَكَ إِلَّا قَلِيلًا

Macne

76. Waxayna u dhowaadeen inay kaa fiijiyaan arlada si ay kaaga saaraan. markaas ma negaadeen gadaashaa in yar ma’ahee [26].

[26]. Hadday saari lahaayeen reer Makkah Nabi Muxammad s.c.w. ma ku sii negaadeen Makkah oo wax badan ma joogeen dunida, balse Alle wuu halaagi lahaa dhammantood. Hijridii Nabiga s.c.w. ee Madiina ma ahayn saarid ay saareen Quraysh, waxayse ahayd Amar Alle uu ku amray. Ummad kasta oo saarta Nabigeeda Alle wuu halaagaa, taasina waa jid soo jireen ah aan marnaba is beddelin.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Israa

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net