Al-Israa 17:60
الإسراءوَإِذْ قُلْنَا لَكَ إِنَّ رَبَّكَ أَحَاطَ بِٱلنَّاسِ ۚ وَمَا جَعَلْنَا ٱلرُّءْيَا ٱلَّتِىٓ أَرَيْنَـٰكَ إِلَّا فِتْنَةً لِّلنَّاسِ وَٱلشَّجَرَةَ ٱلْمَلْعُونَةَ فِى ٱلْقُرْءَانِ ۚ وَنُخَوِّفُهُمْ فَمَا يَزِيدُهُمْ إِلَّا طُغْيَـٰنًا كَبِيرًا
60. (Xusuuso, Nabiyow) markaan kugu nidhi: Rabbigaa wuxuu koobaa dadka; kamana aynu yeelin riyadaan ku tusnay [21] waxaan ahayn imtixaamid dadka, iyo geedka xunba (ee ku xusan) Qur’aanka (waa Zaquumka), oo aan ku bajinno, umase kordhiyo waxaan ahayn xadgudub weyn.
[21]. Riyada la tusay waxaa loola jeedaa riyadii la tusay ee ku saabsanayd dagaalkii Badar inta uusan dagaalku billaaban. Mufasiriinta qaarkoodna waxay yidhaahdeen riyadii la tusay habeenkii Micraajka.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net