Al-Israa 17:101
الإسراءوَلَقَدْ ءَاتَيْنَا مُوسَىٰ تِسْعَ ءَايَـٰتٍۭ بَيِّنَـٰتٍ ۖ فَسْـَٔلْ بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ إِذْ جَآءَهُمْ فَقَالَ لَهُۥ فِرْعَوْنُ إِنِّى لَأَظُنُّكَ يَـٰمُوسَىٰ مَسْحُورًا
101. Waxaan dhab ahaan siinnay Muuse sagaal calaamadood oo cad cad [35]; ee weydii Ilmahii Israa’iil markuu u yimid oo Fircoon ku yidhi: Waxaan kuu malaynayaa Muusow inaad tahay mid sixran.
[35]. Sagaalka mucjisadood waxaa weeye: Usha maska noqon, gacanta ifeysa, abaar lagu salliday, ayax, injir lagu salliday, raha, duufaanta, kala dhanbalidda badda, iyo biyaha oo isu beddelaya dhiig.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net