An-Nahl 16:86
النحلوَإِذَا رَءَا ٱلَّذِينَ أَشْرَكُوا۟ شُرَكَآءَهُمْ قَالُوا۟ رَبَّنَا هَـٰٓؤُلَآءِ شُرَكَآؤُنَا ٱلَّذِينَ كُنَّا نَدْعُوا۟ مِن دُونِكَ ۖ فَأَلْقَوْا۟ إِلَيْهِمُ ٱلْقَوْلَ إِنَّكُمْ لَكَـٰذِبُونَ
86. Markay kuwa Alle u shariig yeela 'cid kale' [20] arkaan kuway la wadaajiyeen Alle (cibaadada) waxay odhan: Rabbigayow! Kuwaanu waa kuwa aan kula wadaajinnay cibaadada ee aan baryi jirnay adiga Sokadaa [21]. Waxayse (kuwaa) dib ugu celin hadalka (iyagoo leh): Waxaad tihiin beenaalayaal.
[20]. Waxaa shirki loola jeedaa wixii lala barbar caabudo Alle, sheydaankuna wuxuu amraa cibaadada asnaamta .
[21]. Waa rumeysnaanta inuu Alle leeyahay shuruko lala wadaajiyo cibaadada, shurukadaasina ay uga shafeeci Alle agti.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net