U bood nuxurka
Suuradda 16 · Aayadda 1

An-Nahl 16:1

النحل

أَتَىٰٓ أَمْرُ ٱللَّهِ فَلَا تَسْتَعْجِلُوهُ ۚ سُبْحَـٰنَهُۥ وَتَعَـٰلَىٰ عَمَّا يُشْرِكُونَ

Macne

1. Amarka Alle (Saacadda Qiyaame ama halaagidda gaalada) waa wax iman (oo dhow) ee waxba ha doonina in la soo dedejiyo. Xurmo oo dhan Isagaa (Alle) iska leh oo ka hufan (xumaan iyo iin), waana ka Sarreeyaa [1] waxay la wadaajiyaan (cibaadada).

[1]. Ataa Luqad ahaan macnaheedu waxaa weeye waa yimid waxaana loola jeedaa muujin in la hubo oo yaqiin tahay oo ay aad u soo dhowdahay Saacadda Qiyaame ama halaagidda gaalada iyo guusha ay heli doonaan Muslimiinta. Ataa Waa ficil maadi (fal tagey) laakiin loogala jeedo mudaaric fal markaa lagu gudo jiro ama soo socda oo imanaya. Sideedana waxaa jira sagaal meelood oo falka tagey loogala jeedo fal soo socda ama markaa ah, waxaa ka mid ah hadalkii lagu billaabo fal tagey, falka tagey ee soo aroora kaddib mid ka mid ah xuruurfta sharadka sida idaa jaa’a, in makkaannaahum, ama kaddib mowsuul sidaa alladiina aamanuu, iwm falalka tagey halkan waxaa loola jeedi karaa fal jooga ama soo socda.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

An-Nahl

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net