Ibrahim 14:4
ابراهيموَمَآ أَرْسَلْنَا مِن رَّسُولٍ إِلَّا بِلِسَانِ قَوْمِهِۦ لِيُبَيِّنَ لَهُمْ ۖ فَيُضِلُّ ٱللَّهُ مَن يَشَآءُ وَيَهْدِى مَن يَشَآءُ ۚ وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ
4. Rasuul kuma soo dirno waxaan aheyn afka qolodiisa si uu (Xaqa) ugu caddeeyo [2]; markaasuu Alle qofkuu doono lumiyaa, oo hanuuniyaa qofkuu doono, Waana Isaga Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.[3]
[2]. Qur’aanka waxaa lagu soo waxyooday af Carabi faseex ah, taasina macnaheedu ma aha in Qur’aanku uu ku gaar yahay Carabta oo keliya, ee wuxuu Alle u soo dejiyey dadka oo dhan.
[3]. Wuxuu lumiyaa kuwa diida hanuunkiisa oo ka dan la’aada oo doorta xumaha, oo wuu hanuuniyaa qof kastoo doonaya hanuunka oo jecel.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net