U bood nuxurka
Suuradda 14 · Aayadda 27

Ibrahim 14:27

ابراهيم

يُثَبِّتُ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ بِٱلْقَوْلِ ٱلثَّابِتِ فِى ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا وَفِى ٱلْـَٔاخِرَةِ ۖ وَيُضِلُّ ٱللَّهُ ٱلظَّـٰلِمِينَ ۚ وَيَفْعَلُ ٱللَّهُ مَا يَشَآءُ

Macne

27. Alle Wuxuu waafajiyaa oo ku sugaa kuwa rumeeyey kelmedda sugan [10] nolosha adduunkan iyo aakhirada [11]. Alle wuu lumiyaa daalimiinta. Alle wuxuu falaa wuxuu doono.

[10]. Qowlka sugan waa kelmedda wanaagsan ee ku soo arooray Aayadda 24 Waxaa soo galaya kelmedda wanaagsan kelmedda towxiidka inuusan jirin ilaah xaq lagu caabudo aan ahayn Allaah iyo in Muxammad s.c.w. yahay Rasuulkii Alle, iyo qowl kasta oo dadka ugu yeedhaya samaanta oo ka reebaya xumaanta, kelmedda towxiidkana waxaa weeye laa ilaaha illal Laah.
[11]. Markay malaa’igta wax ku su’aalayaan dadka qubuurahooda dhimashada kaddib, iyagoo weydiinaya seddex su’aalood: Waa kuma Rabbigaa? Maxay tahay diintaadu? Waa kuma Nabiga la idiin soo diray?

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Ibrahim

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net