Ar-Ra'd 13:18
الرعدلِلَّذِينَ ٱسْتَجَابُوا۟ لِرَبِّهِمُ ٱلْحُسْنَىٰ ۚ وَٱلَّذِينَ لَمْ يَسْتَجِيبُوا۟ لَهُۥ لَوْ أَنَّ لَهُم مَّا فِى ٱلْأَرْضِ جَمِيعًا وَمِثْلَهُۥ مَعَهُۥ لَٱفْتَدَوْا۟ بِهِۦٓ ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ لَهُمْ سُوٓءُ ٱلْحِسَابِ وَمَأْوَىٰهُمْ جَهَنَّمُ ۖ وَبِئْسَ ٱلْمِهَادُ
18. Abaal gudka kuwa ajiiba Baaqa Rabbigood (ah inay Alle u Keli yeelaan cibaadada oo raacaan Rasuulka) waa Wanaag (Janno). Kuwase aan ajiibin hadday leeyihiin waxa yaal dhulka oo dhan oo ay wehliso wax la mid ah waxay u bixin lahaayeen madax furasho. Kuwaasi waxay leeyihiin xisaab daran oo xun, hoygooduna waa Jahannama; oo u xun gogol ahaan.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net