U bood nuxurka
Suuradda 12 · Aayadda 65

Yusuf 12:65

يوسف

وَلَمَّا فَتَحُوا۟ مَتَـٰعَهُمْ وَجَدُوا۟ بِضَـٰعَتَهُمْ رُدَّتْ إِلَيْهِمْ ۖ قَالُوا۟ يَـٰٓأَبَانَا مَا نَبْغِى ۖ هَـٰذِهِۦ بِضَـٰعَتُنَا رُدَّتْ إِلَيْنَا ۖ وَنَمِيرُ أَهْلَنَا وَنَحْفَظُ أَخَانَا وَنَزْدَادُ كَيْلَ بَعِيرٍ ۖ ذَٰلِكَ كَيْلٌ يَسِيرٌ

Macne

65. Markay fureen alaabtoodii waxay heleen badeecaddoodii oo loo soo ceshay [19]. Waxay yidhaahdeen: Aabbow! Maxaan (kaloo) rabnaa? Tani waa badeecaddayadii oo naloo soo ceshay, marka waxaan ugu keeni haruur (hor leh) reerkayaga waana ilaalin walaalkayo oo soo kororsan rati muggiis oo beeg siyaado ah. Kanu waa beeg sahlan [20].

[19]. Waxay u sameeyeen taa siyaasad ahaan inay u celiyaan alaabadoodii oo ugu axsaan falaan, iyo si ay ugu soo laabtaan Masar iyagoo uu la socdo walaalkood Binyaamiin. Binyaamiin waxay isku hooyo iyo aabbe yihiin Yuusuf, hooyadood Raashiil waxay la dhalatay oo ka yareyd Liya oo aheyd xaaska weyn ee Yacquub, shareecadooda waxaa ku bannaanaa in la isla guursan karo labo gabdhood oo walaalo ah. Marka Yuusuf iyo walaalki Binyaamiin waxaa dhashay Raashiil, halka Liyana ay dhashay tobanka ilmood ee kale ee Yacquub, waxayna ahayd habar yartood.
[20].Waa iyaga u fudud ama mid aan ku heli karno si sahlan.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Yusuf

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net