U bood nuxurka
Suuradda 12 · Aayadda 51

Yusuf 12:51

يوسف

قَالَ مَا خَطْبُكُنَّ إِذْ رَٰوَدتُّنَّ يُوسُفَ عَن نَّفْسِهِۦ ۚ قُلْنَ حَـٰشَ لِلَّهِ مَا عَلِمْنَا عَلَيْهِ مِن سُوٓءٍ ۚ قَالَتِ ٱمْرَأَتُ ٱلْعَزِيزِ ٱلْـَٔـٰنَ حَصْحَصَ ٱلْحَقُّ أَنَا۠ رَٰوَدتُّهُۥ عَن نَّفْسِهِۦ وَإِنَّهُۥ لَمِنَ ٱلصَّـٰدِقِينَ

Macne

51. Wuxuu yidhi: "Muxuu ahaa arrinkiinnu markaad doonteen inaad u soo jiiddaan xumaan Yuusuf?" Waxay yidhaahdeen: "Alle baa ka hufan (ceeb oo iin lahayn)! Kuma aanu ogin wax xumaan ah xaggiisa" [13]. Marwadii wasiirkana waxay tidhi: "Hataan xaqu waa cad yahay, anigaa doonay inaan u soo jiido xumaan (zino), isaguna run buu sheegi."

[13]. Waxaa la weydiiyey ra’yiga ay ka qabaan Yuusuf inay saameysay fidnadii iyo in kale oo doonistoodii ka yeelay, waxayna u sheegeen inuu ka fog yahay xumaan. Waxayna ammaaneen Alle Ee awood u leh inuu abuuro dabeecaddaas sare ee daahirka ah.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Yusuf

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net