U bood nuxurka
Suuradda 12 · Aayadda 31

Yusuf 12:31

يوسف

فَلَمَّا سَمِعَتْ بِمَكْرِهِنَّ أَرْسَلَتْ إِلَيْهِنَّ وَأَعْتَدَتْ لَهُنَّ مُتَّكَـًٔا وَءَاتَتْ كُلَّ وَٰحِدَةٍ مِّنْهُنَّ سِكِّينًا وَقَالَتِ ٱخْرُجْ عَلَيْهِنَّ ۖ فَلَمَّا رَأَيْنَهُۥٓ أَكْبَرْنَهُۥ وَقَطَّعْنَ أَيْدِيَهُنَّ وَقُلْنَ حَـٰشَ لِلَّهِ مَا هَـٰذَا بَشَرًا إِنْ هَـٰذَآ إِلَّا مَلَكٌ كَرِيمٌ

Macne

31. Markay maqashay xantoodii bay u cid dirtay oo u diyaarisay fadhi (marti qaad); waxayna siisay mid walba oo ka mid ah middi, oo (ku) tidhi (Yuusuf): U soo bax. Markaasay markay arkeen ku dhaygageen, (weyneyn darteed) oo iska sareen gacmahoodii (iyagoo la cajabsan quruxdiisa) oo yidhaahdeen: "Alle baa ka hufan 'xumaan' [8] Kani maba aha qof caadi ah! Kani ma aha waxaan aheyn malag sharaf leh."

[8]. Alle ee awood u leh inuu abuuro quruxdan oo kale.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Yusuf

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net