Al-Masad 111:1
المسدتَبَّتْ يَدَآ أَبِى لَهَبٍ وَتَبَّ
1. Ha hoogeen labada gacmood ee Abuu-Lahab [1], hoogyeyna [2].
[1]. Waa Nabiga adeerki oo ahaa cadow Islaam, waxaana la mid ah oo soo galaya cadow Islaam kasta.
[2]. Markay soo degtay Aayadda Qur'aanka ee leh: "U dig xigaaladaada kuu dhow". Nabigu s.c.w. wuxuu billaabay inuu u yeeraa ( qabaa'isha Carbeed): Reer Banii Fihirow, Reer Banii Cadiyow, isagoo mid mid u xusaya jilbaha iyo laamaha ay ka kooban yihiin Quraysh. Xitaa ninkii aan imaan karin wuxuu soo dirsaday cid ka socota isaga si uu u soo eego waxa jira. Markaasaa waxaa yimid Abuu Lahab iyo odayaashii Quraysh. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ka warrama haddaan idiin sheego ciidan fardooley ah oo soo socda toggan gadaashiisa ee dooneysa inay idin weeraraan ma iga rumeysan laheydeen? Waxay yidhaahdeen: Haa , kuguma baran waxaan run aheyn.. markaasuu Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Haddaba waxaan idiinka digayaa cadaab daran oo idinku soo fool leh haddii aydaan Allaah rumeyn iyo Rusushiisa. Abuu Lahab wuxuu yidhi: Hoog oo ba' maanta oo idil, ma waxaan baad isugu kaaya yeertay? Markaasaa waxaa soo degay Tabbat Yadaa Abii Lahab….
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net