U bood nuxurka
Suuradda 10 · Aayadda 92

Yunus 10:92

يونس

فَٱلْيَوْمَ نُنَجِّيكَ بِبَدَنِكَ لِتَكُونَ لِمَنْ خَلْفَكَ ءَايَةً ۚ وَإِنَّ كَثِيرًا مِّنَ ٱلنَّاسِ عَنْ ءَايَـٰتِنَا لَغَـٰفِلُونَ

Macne

92. Maanta Waxaanu badbaaadin jirkaaga [23] si aad ugu noqoto calaamo kuwa kaa dambeeya. Intooda badanse dadku Aayadahayaga way ka dhoohan yihiin.

[23]. Wuxuu Alle badbaadiyey Fircoon jirkiisii.Taariikhyahannada waxay yidhaahdaan: Markuu Alle harqiyey Fircoon, waxaa laga helay jirkiisa xeebta badda, maxaa yeelay Fircoon wuu argagaxay reer Banii Israa’iil. Waxaad ogtihiin in marka uu qofku jiro qof uu ka cabsado inuusan qalbigiisu xasileyn ilaa uu arko isaga oo halaagsamay oo dhintay mooyee, maxaa yeelay shaydaanku waxa uu qalbigiisa gelin karaa in Fircoon fakaday, Fircoonna uu idiin soo noqon doono Banii Israa’iilow. Marka hadalkiisa: (kuwa idinka dambeeya) wuxuu ula jeedaa: reer banii Israa'iil, sidaa awgeed waxba kama jiraan inay meydkiisa heleen masriyiintii oo ay xafidaan ilaa hadda, iyadoo la sheego inuu yaal matxaf ku yaal Masar. Waa been arrinkaasi aan waxba ka jirin ee lagu dago dadka makasta ah.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Yunus

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net