Yunus 10:87
يونسوَأَوْحَيْنَآ إِلَىٰ مُوسَىٰ وَأَخِيهِ أَن تَبَوَّءَا لِقَوْمِكُمَا بِمِصْرَ بُيُوتًا وَٱجْعَلُوا۟ بُيُوتَكُمْ قِبْلَةً وَأَقِيمُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ ۗ وَبَشِّرِ ٱلْمُؤْمِنِينَ
87. Waxaana u waxyoonnay Muuse iyo walaalki (Haaruun, Annagoo leh) Uga yeela qolodiinna [21] guryo ay degaan Masar gudaheeda, oo ka dhiga guryihiinna goobo cibaado (isu dhow, oo u furan booqashada) oogana salaadda. U bishaaree mu’miniinta.
[21]. Si ay ugu tukadaan halkaa iyagoo uusan arkayn cadowgooda iyo si ay deris u ahaadaan iska warqaba oo isa soo booqda.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net