Yunus 10:71
يونسوَٱتْلُ عَلَيْهِمْ نَبَأَ نُوحٍ إِذْ قَالَ لِقَوْمِهِۦ يَـٰقَوْمِ إِن كَانَ كَبُرَ عَلَيْكُم مَّقَامِى وَتَذْكِيرِى بِـَٔايَـٰتِ ٱللَّهِ فَعَلَى ٱللَّهِ تَوَكَّلْتُ فَأَجْمِعُوٓا۟ أَمْرَكُمْ وَشُرَكَآءَكُمْ ثُمَّ لَا يَكُنْ أَمْرُكُمْ عَلَيْكُمْ غُمَّةً ثُمَّ ٱقْضُوٓا۟ إِلَىَّ وَلَا تُنظِرُونِ
71. U Akhri qisadii Nuux. Markuu ku yidhi dadkiisii: Tolkaygiiyow! hadday joogiddeyda (la jirkiin), iyo (idinku) waaninteyda Aayadaha Alle ay idinku cuslaatay - haddaba Alle baan tala saartay - ee tala goosta arrankiinna oo (soo kulmiya) kuwa aad cibaadadiinna wax ka wadaajisaan, markaas yuusan ahaan arrinkiinnu mid uu ku jiro mugdi [19], markaas igu fuliya xukunkiinna hana i siininnaba wax fursad ah.
[19]. Ha ka yeelina wax uu ku jiro shaki ama walaac, ee ha ahaato wax idiin cad, muuqda, oo aan mugdi ku jirin.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net