Yunus 10:11
يونسوَلَوْ يُعَجِّلُ ٱللَّهُ لِلنَّاسِ ٱلشَّرَّ ٱسْتِعْجَالَهُم بِٱلْخَيْرِ لَقُضِىَ إِلَيْهِمْ أَجَلُهُمْ ۖ فَنَذَرُ ٱلَّذِينَ لَا يَرْجُونَ لِقَآءَنَا فِى طُغْيَـٰنِهِمْ يَعْمَهُونَ
11. Hadduu Alle u soo dedejin lahaa dadka sharka (ay ka baryaan) siduu ugu soo dedejiyo Khayrka, muddadooda waa loo oofin lahaa 'oo la hallagi lahaa' [4]. Waxaanse ku deynaa kuwa aan rajayn la Kulankayaga xad gudubkooda iyagoo ku jaha wareersan indha la’aan.
[4]. Qaddarka Alle waa inuu waqti ku siiyo uunkiisa arlada, ama inuusan ciqaabin ka hor inta aan loo soo dirin xujo cad oo ah Rasuul iyo Kitaab.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net