Jaamic at-Tirmidi
Lr. 2664
Lr. 2664Kitaabka 41, lr. 20
حَدَّثَنَا مُحَمَّدُ بْنُ بَشَّارٍ، حَدَّثَنَا عَبْدُ الرَّحْمَنِ بْنُ مَهْدِيٍّ، حَدَّثَنَا مُعَاوِيَةُ بْنُ صَالِحٍ، عَنِ الْحَسَنِ بْنِ جَابِرٍ اللَّخْمِيِّ، عَنِ الْمِقْدَامِ بْنِ مَعْدِيكَرِبَ، قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم " أَلاَ هَلْ عَسَى رَجُلٌ يَبْلُغُهُ الْحَدِيثُ عَنِّي وَهُوَ مُتَّكِئٌ عَلَى أَرِيكَتِهِ فَيَقُولُ بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمْ كِتَابُ اللَّهِ فَمَا وَجَدْنَا فِيهِ حَلاَلاً اسْتَحْلَلْنَاهُ وَمَا وَجَدْنَا فِيهِ حَرَامًا حَرَّمْنَاهُ وَإِنَّ مَا حَرَّمَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم كَمَا حَرَّمَ اللَّهُ " . قَالَ أَبُو عِيسَى هَذَا حَدِيثٌ حَسَنٌ غَرِيبٌ مِنْ هَذَا الْوَجْهِ .
Almiqdaam Binu macdi yakrib Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri-: "War hooy ma laga yaaba in Xadiiskaygu gaaro nin Fadhigiisa ku dangiiga oo uu yiraahdo : waxaa anaga iyo adinka inoo dhexeeya Kitaabka Ilaahay, waxaan ka helno ee xalaal ah waan xalaashanaynaa, waxaan ka helno ee xaaraan ahna waan iska xarimeynaa, hadaba wuxuu xarimay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waa sida waxa Ilaahay xarimay".
Tarjumaad: HadeethEnc.comSharraxaaddiisa
Darajaynta isha ku jirta
- SahihAhmad Muhammad Shakir
- SahihAl-Albani
- HasanBashar Awad Maarouf
- Isnaad HasanZubair Ali Zai
Halka Encyclopedia-da Xadiisyada Nebiga ee la Tarjumay (HadeethEnc.com) ay ku jirto qoraalka xadiis isaga oo kale ah, tarjumaaddeeda waxaa lagu muujiyaa xadiiskaas hoostiisa iyadoo isha la magacaabay. Labada waxaa isku lammaaniyay barnaamij, isagoo eegaya Carabiga oo keliya: qoraalka xadiiska ee encyclopedia-da oo dhan, oo uu la socdo magaca Saxaabiga ku xusan, waa dhammaadka xadiiska xaraf xaraf. Cidna ma hubin isku-lammaanintan, dib-u-eegayaasha Sabīl-na ma baarin tarjumaadda. Carabigu waa qoraalka.
Kitaabka 41 · Chapters on KnowledgeQoraalka Carabiga, lambaraynta, magacyada kutubta iyo darajaynta waxaa loo muujiyay sida ay ugu yaallaan xog-ururin furan (hadith-api), iyadoon waxba laga beddelin. Sabīl weli ma xaqiijin saxnaanteeda iyo xuquuqdeeda, dib-u-eegisteeda culimaduna weli ma bilaaban. Ilaa markaas, xadiiska barbar dhig daabacaad warqad ah ka hor intaadan ku tiirsan.