Lr. 6857Kitaabka 48, lr. 51Lambaraynta Carabiga 2701
حَدَّثَنَا أَبُو بَكْرِ بْنُ أَبِي شَيْبَةَ، حَدَّثَنَا مَرْحُومُ بْنُ عَبْدِ الْعَزِيزِ، عَنْ أَبِي نَعَامَةَ السَّعْدِيِّ، عَنْ أَبِي عُثْمَانَ، عَنْ أَبِي سَعِيدٍ الْخُدْرِيِّ، قَالَ خَرَجَ مُعَاوِيَةُ عَلَى حَلْقَةٍ فِي الْمَسْجِدِ فَقَالَ مَا أَجْلَسَكُمْ قَالُوا جَلَسْنَا نَذْكُرُ اللَّهَ . قَالَ آللَّهِ مَا أَجْلَسَكُمْ إِلاَّ ذَاكَ قَالُوا وَاللَّهِ مَا أَجْلَسَنَا إِلاَّ ذَاكَ . قَالَ أَمَا إِنِّي لَمْ أَسْتَحْلِفْكُمْ تُهْمَةً لَكُمْ وَمَا كَانَ أَحَدٌ بِمَنْزِلَتِي مِنْ رَسُولِ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم أَقَلَّ عَنْهُ حَدِيثًا مِنِّي وَإِنَّ رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم خَرَجَ عَلَى حَلْقَةٍ مِنْ أَصْحَابِهِ فَقَالَ " مَا أَجْلَسَكُمْ " . قَالُوا جَلَسْنَا نَذْكُرُ اللَّهَ وَنَحْمَدُهُ عَلَى مَا هَدَانَا لِلإِسْلاَمِ وَمَنَّ بِهِ عَلَيْنَا . قَالَ " آللَّهِ مَا أَجْلَسَكُمْ إِلاَّ ذَاكَ " . قَالُوا وَاللَّهِ مَا أَجْلَسَنَا إِلاَّ ذَاكَ . قَالَ " أَمَا إِنِّي لَمْ أَسْتَحْلِفْكُمْ تُهْمَةً لَكُمْ وَلَكِنَّهُ أَتَانِي جِبْرِيلُ فَأَخْبَرَنِي أَنَّ اللَّهَ عَزَّ وَجَلَّ يُبَاهِي بِكُمُ الْمَلاَئِكَةَ " .
Abii Saciid Alkhudri -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu dhahay: Mucaawiye ayaa ku soo baxay koox dad ah oo fadhiya masjidka, wuxuu yiri: maxaa idin fariisiyey? waxay dheheen: waxaan u fariisanay inaan Ilaahay xusno, wuxuu yiri: Ilaahay baan idinku dhaariyey wax kale uma aydaan fariisan miyaa? waxay dheheen: walaahi uma anaan fariisan kaas maahane, wuxuu yiri: haddaba anigu idiinma dhaarin tuhun aan idinka qabo, qofna xaga Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ma jiro qof darajada aan rasuulka ka joogo oo kale ka jooga oo iga xafiis yar: Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaa ku soo baxay xalaqo oo asaxaabtiisu fadhiyeen, wuxuuna ku yiri: "maxaa idin fariisiyey? waxay dheheen: Ilaahay ayaan xusaynaa, una mahad naqaynaa Islaamka uu nagu hanuniyey darteed, oo uu nagu galadaystay Islaamka, wuxuu ku yiri: "ma idinku walaahi baa inaydaan wax kale u fariisan?" waxay dheheen: walaahi waxaan kaas ahayn uma aanaan fariisan, wuxuu yiri: "idiinma dhaarin tuhun aan idinka qabee, laakiin waxaa ii yimid malakul Jibriil, wuxuuna ii sheegay, in Ilaahay- isagaa wayne- idiinku faanayo malaa'igtiisa."
Tarjumaad: HadeethEnc.comSharraxaaddiisa
Ishu wax darajayn ah uma diiwaangelin xadiiskan.
Halka Encyclopedia-da Xadiisyada Nebiga ee la Tarjumay (HadeethEnc.com) ay ku jirto qoraalka xadiis isaga oo kale ah, tarjumaaddeeda waxaa lagu muujiyaa xadiiskaas hoostiisa iyadoo isha la magacaabay. Labada waxaa isku lammaaniyay barnaamij, isagoo eegaya Carabiga oo keliya: qoraalka xadiiska ee encyclopedia-da oo dhan, oo uu la socdo magaca Saxaabiga ku xusan, waa dhammaadka xadiiska xaraf xaraf. Cidna ma hubin isku-lammaanintan, dib-u-eegayaasha Sabīl-na ma baarin tarjumaadda. Carabigu waa qoraalka.
Kitaabka 48 · The Book Pertaining to the Remembrance of Allah, Supplication, Repentance and Seeking Forgiveness Qoraalka Carabiga, lambaraynta, magacyada kutubta iyo darajaynta waxaa loo muujiyay sida ay ugu yaallaan xog-ururin furan (hadith-api), iyadoon waxba laga beddelin. Sabīl weli ma xaqiijin saxnaanteeda iyo xuquuqdeeda, dib-u-eegisteeda culimaduna weli ma bilaaban. Ilaa markaas, xadiiska barbar dhig daabacaad warqad ah ka hor intaadan ku tiirsan.