Abii Dar Allaha ka raali noqde waxaa laga wariyey inuu yiri: Waxaan iri: Rasuulka Ilaahayow, waa maxay weelasha xawdku ? wuxuu yiri: ( waxaan ku dhaartay kan nafta Maxamad gacantiisa ku jirtee, weelashiisu way ka badan yihiin xidigaha cirka iyo meerayaasha, hooy habeenka mugdiga ah ee cirka wax ku daboolani aysan jirin, weelasha janada qofka ku caba waligii ma haraadayo, waana haraadkii ugu dambeeyey, waxaa ku guuxa oo ku soo hoobta biyaha xowdka soo maraan laba majaroor oo janada ka soo shubmaan, qofka ka caba ma haraado, balaciisu waa inta dhererkiisu le'eg yahay, oo ah masaafada u dhaxaysa Camaan iyo Ayla biyihiisu ka cadaan badan caanaha, kana macaan badan malabka.