U bood nuxurka
Saxiix Muslim

Lr. 4920

Lr. 4920Kitaabka 33, lr. 215Lambaraynta Carabiga 1904.02
حَدَّثَنَا أَبُو بَكْرِ بْنُ أَبِي شَيْبَةَ، وَابْنُ، نُمَيْرٍ وَإِسْحَاقُ بْنُ إِبْرَاهِيمَ وَمُحَمَّدُ بْنُ الْعَلاَءِ قَالَ إِسْحَاقُ أَخْبَرَنَا وَقَالَ الآخَرُونَ، حَدَّثَنَا أَبُو مُعَاوِيَةَ، عَنِ الأَعْمَشِ، عَنْ شَقِيقٍ، عَنْ أَبِي، مُوسَى قَالَ سُئِلَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم عَنِ الرَّجُلِ يُقَاتِلُ شَجَاعَةً وَيُقَاتِلُ حَمِيَّةً وَيُقَاتِلُ رِيَاءً أَىُّ ذَلِكَ فِي سَبِيلِ اللَّهِ فَقَالَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم ‏ "‏ مَنْ قَاتَلَ لِتَكُونَ كَلِمَةُ اللَّهِ هِيَ الْعُلْيَا فَهُوَ فِي سَبِيلِ اللَّهِ ‏"‏ ‏.‏
Abii Muusa Alashcari-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- ayaa la weydiiyey ninka u dagaalama geesinimo, kan ku dagaalama qabyaalad iyo kan ku dagaalama is tustus, keebee dar Ilaahay dagaalkiisu ahaanayaa? wuxuu yiri Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: "midka u dagaalama si ay kalimada Ilaahay kor u ahaato ayaa dar Ilaahay u dagaalamay."

Tarjumaad: HadeethEnc.comSharraxaaddiisa

Ishu wax darajayn ah uma diiwaangelin xadiiskan.

Halka Encyclopedia-da Xadiisyada Nebiga ee la Tarjumay (HadeethEnc.com) ay ku jirto qoraalka xadiis isaga oo kale ah, tarjumaaddeeda waxaa lagu muujiyaa xadiiskaas hoostiisa iyadoo isha la magacaabay. Labada waxaa isku lammaaniyay barnaamij, isagoo eegaya Carabiga oo keliya: qoraalka xadiiska ee encyclopedia-da oo dhan, oo uu la socdo magaca Saxaabiga ku xusan, waa dhammaadka xadiiska xaraf xaraf. Cidna ma hubin isku-lammaanintan, dib-u-eegayaasha Sabīl-na ma baarin tarjumaadda. Carabigu waa qoraalka.

Kitaabka 33 · The Book on Government

Qoraalka Carabiga, lambaraynta, magacyada kutubta iyo darajaynta waxaa loo muujiyay sida ay ugu yaallaan xog-ururin furan (hadith-api), iyadoon waxba laga beddelin. Sabīl weli ma xaqiijin saxnaanteeda iyo xuquuqdeeda, dib-u-eegisteeda culimaduna weli ma bilaaban. Ilaa markaas, xadiiska barbar dhig daabacaad warqad ah ka hor intaadan ku tiirsan.