U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Nabigenii Maxamed nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.

7 xadiis

Allaha nafta Maxamed Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee Qofka i maqla ee Ummaddaan ka mid ah Yahuudi ama Nasraani-kuu doonaba ha ahaadee-, ee dhinta isagoon rumayn xaqa la ila soo diray wuxuu ahaan doonaa kuwa naarta gelaya

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه عَنْ رَسُولِ اللهِ صلى الله عليه وسلم أنه قال: «وَالَّذِي نَفْسُ مُحَمَّدٍ بِيَدِهِ لَا يَسْمَعُ بِي أَحَدٌ مِنْ هَذِهِ الْأُمَّةِ يَهُودِيٌّ وَلَا نَصْرَانِيٌّ، ثُمَّ يَمُوتُ وَلَمْ يُؤْمِنْ بِالَّذِي أُرْسِلْتُ بِهِ إِلَّا كَانَ مِنْ أَصْحَابِ النَّارِ».
Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee-waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- uu yiri: "Allaha nafta Maxamed Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee Qofka i maqla ee Ummaddaan ka mid ah Yahuudi ama Nasraani-kuu doonaba ha ahaadee-, ee dhinta isagoon rumayn xaqa la ila soo diray wuxuu ahaan doonaa kuwa naarta gelaya".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ku dhaartay Qofka maqla Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee oo dacwada Islaamku gaadho, yahuudi iyo kiristaan ama qayrkoodba ha ahaadee, ee dhinta isagoon Islaamin, inuu ahaanayo mid naarta gala oo ku waaraya waligiiba.

Faa’iidooyin
  1. Risaalada Nabigu-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee-waa Diin ay u siman yihiin dhamaan Aduunka waxa ku nool dhamaan, waajibna ay ku tahay in dadkoo dhami raacaan, oo ay waliba nasakhday dhamaan Sharciyadii iyada ka horeeyey dhamaan.
  2. Qofka ku gaalooba Nabiga-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- ma anfacayso sheegashadiisa ah inuu rumaysan yahay Nabiyada kale- naxariis iyo nabadgelyo Allaha siiyo dhamaan-.
  3. Qofka aan maqlin Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee oo aanay Diinta Islaamku gaarin waa loo cudur-daarayaa, arinkiisuna Aakhiro Ilaahay ayuu u yaallaa.
  4. Qofku Islaamka wuu ku intifaacayaa inta geerida ka horaysa, haduu xataa aad u jiran yahay ilaa ay Ruuxdu soo gaarto Dhuunta.
  5. Diinta Gaalada in sax lagu sheego iyadoo ay ku jiraan tan Yahuuda iyo tan Kiristaanku waa Gaalnimo.
  6. Yahuuda iyo Nasaaradaa lagu xusay Xadiiskaan waxay baraarujin u tahay Gaalada kale, waayo Yuhuuda iyo Nasaaradu waxay leeyihiin kitaabka, haduu xaalkoodu sidaa yahay, kuwa iyagu aan wax kitaaba lahayni wayba kasii daran yihiin, oo dhamaantood waxaa ku waajib ah, inay Ilaahay Diintiisa soo wada galaan, Nabigana-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- wada adeecaan.
Tixraac

صحيح مسلم (1/ 134) (153). شرح النووي على مسلم (2/ 186). الإفصاح عن معاني الصحاح، لابن هبيرة (8/ 192). طرح التثريب في شرح التقريب، لعبد الرحيم العراقي (7/ 159).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

waxaan ku dhahanay: adaa sayid kayaga ah, wuxuu yiri -Rasuulku scw-: "sayidku waa Allaah", waxaan dhahnay: adaa noogu fadli badan, noogu deeqsisan, wuxuu yiri: "waar hadalkiina caadiga ah dhaha, oo yaanu shaydaanku idin duufsan

عَن عَبدِ الله بنِ الشِّخِّير رضي الله عنه قَالَ: انْطَلَقْتُ في وَفدِ بَنِي عَامِرٍ إِلى رَسُولِ الله صلى الله عليه وسلم، فَقُلنا: أَنتَ سيّدُنَا، فقال: «السَّيدُ اللهُ»، قُلنا: وَأَفْضَلُنا فَضْلاً، وأعظَمُنا طَوْلاً، فقال: «قُولُوا بِقَولِكُم، أَو بَعضِ قولِكُم، وَلَا يَسْتَجْرِيَنَّكُم الشَّيطَانُ».
Cabdullaahi Binu Shakhiir-Allaha karaali ahaadee- wuxuu yiri: Waxaan u raacay wafdi reer bani Caamir ah Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, waxaan ku dhahanay: adaa sayid kayaga ah, wuxuu yiri -Rasuulku scw-: "sayidku waa Allaah", waxaan dhahnay: adaa noogu fadli badan, noogu deeqsisan, wuxuu yiri: "waar hadalkiina caadiga ah dhaha, oo yaanu shaydaanku idin duufsan."
Waxaa Wariyay Abuu Daa'uud iyo AxmedDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Dad kooxa ayaa Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-u yimid, markay soo gaareen bay dheheen - iyaga oo Suubanaha ku amaanaya ereyo qaarkood oo uu dhibsaday-: waxayna dheheen: ..adaa sayidkayaga ah.., Nabigu scw wuxuu ku yiri: naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee: .. sayidku waa Allaah.. Isagaa sayid kaamila u ah khalqigiisa, iyaguna waa adoomadiisa. waxay dheheen: adaa ..noogu fadli badan.. nooguna sarreeya derejo, sharaf iyo martabad ahaanba. Adigaa noogu wayn, oo noogu deeqsisan oo noogu sareeya oo noogu sharaf badan. Nabiguna naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu u sheegay- inay sidaa orane ay hadalkooda caadiga ah ay dhahaan, oo aysan isku kalifin ereyo, oo shaydaanku aanu ku riixin xad gudub iyo ku taxtaga keenaaya in lagu dhoco shirki xaaran ah iyo dariiqyada shirkiga.

Faa’iidooyin
  1. Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- aad buu ugu waynaa quluubta asaxaabta, waxayna u hayeen ixtiraam.
  2. Waxaa la reebay in hadalka la isku kalifo oo la iska doon-doono, waxaana lagu booriyey inay dhahaan hadal dhexdhexaad ah.
  3. Tawxiidka waa in laga ilaaliyaa wixii wax u dhimaya ee hadal ah ama camal ah.
  4. Waxaa la reebay in lagu talax tago amaanta, waayo waa meelaha shaydaanku ka soo gali karo.
  5. Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-waa sayidka dadka Nabi Aadam cs ka farcamay oo dhan, hadalkiisa xadiiska ku soo aroorayse waa tawaaduc, iyo cabsi uu ka qabo inay dadku ku talax tagaan amaantiisa, oo xadkiisa dhaafiyaan'.
Tixraac

سنن أبي داود (7/ 184) (4806). مسند أحمد (26/ 234) (16307). الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص424). الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص472). مشكاة المصابيح، للألباني مشكاة المصابيح (3/ 1373).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Ummaddayda oo dhan Janaday gelaysaa qofka iska diida mooyee

عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: «كُلُّ أُمَّتِي يَدْخُلُونَ الْجَنَّةَ إِلَّا مَنْ أَبَى»، قَالُوا: يَا رَسُولَ اللهِ، وَمَنْ يَأْبَى؟ قَالَ: «مَنْ أَطَاعَنِي دَخَلَ الْجَنَّةَ، وَمَنْ عَصَانِي فَقَدْ أَبَى».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: " Ummaddayda oo dhan Janaday gelaysaa qofka iska diida mooyee ", waxay dheheen: Rasuulka Ilaahayow, yaa diidaya? wuxuu yiri: "qofka i adeeca Janaduu gelayaa, kan i caasiyana waa Qof diiday Janada".
Waxa wariyay AlbukhaariDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ummaddiisu dhamaan Janada gelayso Qofkii iska diida mooyee! Asaxaabtu Allaha ka raali noqdee waxay yiraahdeen yaa diidaya Rasuulkii Ilaahayow.?! Wuxuu ugu jawaabey Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: qofka u hogaansama ee raaca Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Janaduu gelayaa, Qofkase aan u hogaansamin Shareecada camalkiisa xun wuxuu ka dhigan yahay inuu diiday Janada gelideeda.

Faa’iidooyin
  1. Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee oo la adeeco waxay ka mid tahay Ilaahay adeecidiisa, Nabiga oo lagu caasiyona waxay ka mid tahay Ilaahay oo lagu caasiyey.
  2. Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee oo la adeeco waxay qofka u waajibinaysaa Janada, in la caasiyona waxay u waajibinaysaa Naarta.
  3. Xadiiska waxaa ku sugn in loo bishaaraynayo kuwa Rasuulka adeecay ee Ummaddaan ah, inay dhamaantood Janada gelayaan kuwa Ilaahay iyo Rasuulkiisa caasiyey mooyee.
  4. Xadiiska waxaa ku sugan in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ummaddiisa u naxariisan jirey kuna dadaali jirey hanuunkooda.
Tixraac

صحيح البخاري (9/ 92) (7280). فيض القدير شرح الجامع الصغير، للمناوي، المكتبة التجارية الكبرى – مصر، الطبعة: الأولى. بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين لسليم الهلالي، ط1، دار ابن الجوزي، الدمام، 1415هـ. التيسير بشرح الجامع الصغير، للمناوي، مكتبة الإمام الشافعي، الرياض، ط3.

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Allaha naftaydu Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye, waxay u dhawdahay inuu idiin la soo dago ina Maryama isago xaakim caadil ah, oo uu jejebiyo Macatabka, oo dilo khansiirka, oo uu soo rogo jisyada, oo maalku buux dhaafo, heer cid qaadata oo baahan la waayo

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «وَالَّذِي نَفْسِي بِيَدِهِ، لَيُوشِكَنَّ أَنْ يَنْزِلَ فِيكُمْ ابْنُ مَرْيَمَ حَكَمًا مُقْسِطًا، فَيَكْسِرَ الصَّلِيبَ، وَيَقْتُلَ الخِنْزِيرَ، وَيَضَعَ الجِزْيَةَ، وَيَفِيضَ المَالُ حَتَّى لاَ يَقْبَلَهُ أَحَدٌ».
Abii hurayra-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: "Allaha naftaydu Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye, waxay u dhawdahay inuu idiin la soo dago ina Maryama isago xaakim caadil ah, oo uu jejebiyo Macatabka, oo dilo khansiirka, oo uu soo rogo jisyada, oo maalku buux dhaafo, heer cid qaadata oo baahan la waayo."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku dhaartay inay soo dhowaatay waqtigii uu Nibi Ciise soo degi lahaa, ee uu dadka cadaalad ku xukumi lahaa, isagoo raacaya shareecadii Nabi Maxamed nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee. Oo Nabi Ciise uu jabindoono Matabka kiristaanku wayneeyaan. Nabi Ciise wuxuu dilidoonaa khinsiirka, Nabi Ciise wuxuu soo rogidoonaa Jisyada dadka oo dhana wuxuu ku amridoonaa inay Islaama soo galaan. Xooluhu waa badandoonaan Qofna qaadanayana ma jiro, waayo Xoolihii ayaa iska badanaya, Qof walbana wuxuu ku kaaftoomay wixii Gacantiisa ku jira, waxaa soo degeya Barkada waxaana is raacraacaya khayrka.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku sugan in Nabi Ciise-Calayhi Salaam- uu Aakhiru Samaanka soo degidoono, taasina ay tahay mid ka mida calaamadaha saacada Qiyaamaha.
  2. Nabigu-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- Shareecadiisa wax nasakhaaya ma jiraan.
  3. Maalka ayaa barakoobaya Aakhiru Samaanka, dadkuna way nicidoonaan.
  4. Xadiiska waxaa ku sugan bishaaro in Diinta Islaamku baaqi ahaanayso, iyadoo Nabi Ciise ku xukumi doonaa dhulka Aakhiru Samaanka.
Tixraac

صحيح البخاري (3/ 82) (2222)، صحيح مسلم (1/ 135) (155)، شرح النووي على مسلم (1/471)، التوضيح (14/555)، عمدة القاري شرح صحيح البخاري (12/ 35).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

, aniguna waxaan ahay Damaam Binu Saclabah, Bani Sacad Bani Bakar walaalkood ah

عن أَنَسَ بْنَ مَالِكٍ رضي الله عنه قال: بينما نحن جلوس مع النبي صلى الله عليه وسلم في المسجد دخل رجل على جمل، فأناخه في المسجد ثم عقله، ثم قال لهم: أيكم محمد؟ والنبي صلى الله عليه وسلم متكئ بين ظهرانيهم، فقلنا: هذا الرجل الأبيض المتكئ. فقال له الرجل: يا ابن عبد المطلب فقال له النبي صلى الله عليه وسلم: «قد أجبتك». فقال الرجل للنبي صلى الله عليه وسلم: إني سائلك فمشدد عليك في المسألة، فلا تجد علي في نفسك؟ فقال: «سل عما بدا لك» فقال: أسألك بربك ورب من قبلك، آلله أرسلك إلى الناس كلهم؟ فقال: «اللهم نعم». قال: أنشدك بالله، آلله أمرك أن نصلي الصلوات الخمس في اليوم والليلة؟ قال: «اللهم نعم». قال: أنشدك بالله، آلله أمرك أن نصوم هذا الشهر من السنة؟ قال: «اللهم نعم». قال: أنشدك بالله، آلله أمرك أن تأخذ هذه الصدقة من أغنيائنا فتقسمها على فقرائنا؟ فقال النبي صلى الله عليه وسلم: «اللهم نعم». فقال الرجل: آمنت بما جئت به، وأنا رسول من ورائي من قومي، وأنا ضمام بن ثعلبة أخو بني سعد بن بكر.
Annas Binu Maalik Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Anagoo masaajidka la fadhina Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa nin riti fuushan la soo galay masjidka, wuxuu ritigii ku arumay masjidka, ka dibna masjidka ayuu ku xirtay, ka dib dadkii wuxuu ku yiri: kiineeba ah Maxamed? Nabigun scw asxaabta dhexdooda ayuu xusul mudan yahay, markaasaan ku niri: waa ninkaa cad ee xusul mudan, ninkii wuxuu Nabiga ku yiri: ina Cabdul Mudalibow, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: waan ku ajiibay. Ninkii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: waan ku waydiinayaa waana kugu adkaynayaa su'aasha ee ii dul qaado? Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: waxaad rabto I waydii, wuxuu yiri: Rabigaa iyo Rabiga cidii kaa horaysay ayaan kugu dhaariyee, ma Ilaahay baa kuu soo diray dadka oo dhan? wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri: Ilaahay baan kugu dhaariyee ma Ilaahay baa ku faray inaan tukano shan salaadood habeenkii iyo Maalintii? wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri: Ilaahay baan kugu dhaariyee ma Ilaahay baa ku faray inaan bil ka soono sanadka? wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri Ilaahay baan kugu dhaariye ma Ilaahay baa ku faray inaan sakada ka qaadno intayada qaniga ah una qaybino intayada saboolka ah? wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri: waan rumeeyey waxaad la timid, ana rasuul baan u ahay kuwa iga dambeeya , aniguna waxaan ahay Damaam Binu Saclabah, Bani Sacad Bani Bakar walaalkood ah.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Anas Binu Maalik Allaha ka raali Noqde wuxuu sheegay iyado Asxaabtu la fadhiyaan Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee masaajidka, ayaa nin rati fuushan la soo galay oo ritigii arumay ka dibna xiray. Ka dibna wuu waydiiyey Asxaabta: kiineebaa ah Maxamed? Nabiguna nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Asxaabta dhexdooda ayuu xusul mudan yahay , waxaan ku niri: waa ninkaa cad ee xusul mudan, ninkii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: ina Cabdul Mudalibow, Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxu ku yiri: waan ku maqlayaaye i waydii waan kuu jawaabine. Ninkii wuxuu ku yiri Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waan ku waydiin waana kugu adkayne ha igu xanaaqin. macnaha: ha ii caroon oo ha i dhibsan. Nabigu wuxuu ku yiri-: i waydii waxaad rabtid. wuxuu yiri: waxaan kugu dhaariyey Rabigaa iyo Rabiga cidii kaa horaysaye, ma Ilaahay baa kuu soo diray dadka? wuxuu ku yiri: Allahayow haa, isagoo adkaynaaya runtiisa. Ninkii ayaa yiri: Ilaahay baan kugu dhaariye, ma Ilaahay baa ku amray inaan tukano salaadaha shanta ah maalinta iyo habeenka? waana salaadaha faralka ah, wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri: Ilaahay baan kugu dhaariye ma Ilaahay baa ku amray inaan ka soono bishan sanadka? waa bisha Ramadaan, wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri: Ilaahay baan kugu dhaariye, ma Ilaahay baa ku amray inaad ka qaado sadaqada kuwayaga qaniga ah oo aad u qaybisid kuwayaga saboolka ah? waana sakada, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri Allahayow haa, Damaam wuu Islaamay, wuxuuna u sheegay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu ugu yeeri doono tolkii diinta islaamka, wuuna isa sheegay inuu yahay Damaam Binu Thaclabata, oo reer banii Sacad banii Bakar ah.

Faa’iidooyin
  1. Waxaa cad Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee tawaaduciisa, waayo ninku wuxuu kala garan waayey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee iyo asxaabta.
  2. Waxaa cad Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, akhlaaqdiisa wanaagsan iyo sida naxariista leh ee uu ugu jawaabay ninka wax waydiinayey, in si fiican loo jawaabona waxay sabab u noqonaysaa in la aqbalo dacwada.
  3. Way banaan tahay in ninka lagu sheego sifooyin sida cadaanka, casaanka, dheerida, gaabnida, iyo wixii la mida ee aan looga jeedin ceeb, haduuna dhibsanayn.
  4. way banaan tahay in Gaalku Masaajidka dan u soo galo.
  5. Xadiiska laguma sheegin Xajka waxaana laga yaabaa inaan la waajibin waqtiguu imaanayey.
  6. Asxaabtu way ku dadaaleen inay dadka ugu yeeran dacwada, isla markuu islaamayba wuxuu ku dadaalay inuu tolki ugu yeero diinta.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 23) (63)، صحيح مسلم (1/ 41) (12)، شرح ابن بطال (1/145)، عمدة القاري شرح صحيح البخاري (2/ 22).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Rasuulka Ilaahay scw waxaa lagu soo dajiyey waxyiga isagoo afartan jir ah

عَنِ ‌ابْنِ عَبَّاسٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُمَا قَالَ: أُنْزِلَ عَلَى رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ وَهُوَ ابْنُ أَرْبَعِينَ، فَمَكَثَ بِمَكَّةَ ثَلَاثَ عَشْرَةَ سَنَةً، ثُمَّ أُمِرَ بِالْهِجْرَةِ، فَهَاجَرَ إِلَى الْمَدِينَةِ، فَمَكَثَ بِهَا عَشْرَ سِنِينَ، ثُمَّ تُوُفِّيَ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ.
Cabdullaahi Binu Cabaas Allaha ka raali ahaado isaga iyo aabihiiba wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw waxaa lagu soo dajiyey waxyiga isagoo afartan jir ah, wuxuu joogay Makkah sadex iyo toban sano, ka dib waxaa lafaray inuu ka hijroodo, wuxuuna u haajiray Madiina, wuxuu joogay Madiina toban sano, ka dibna Ilaahay ayaa oofsaday. scw.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Ibnu Cabbaas Allaha ka rali ahaado isaga iyo aabihiye wuxuu sheegay in waxyiga lagu soo dajiyey Nabigha scw oo la soo diray isagoo afartan jir ah, Makkana uu joogay saddex iyo toban sano waxyiga ka dib, ka dibna waxaa la amray inuu madiina u haajiro, iyadana wuxuu joogay toban sano, ka dibna uu geeriyooday scw isagoo da'adiisu tahay saddex iyo lixdan sano.

Faa’iidooyin
  1. Asxaabtu ihtimaam ayey siin jireen taariikhda Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate.
Tixraac

صحيح البخاري (5/ 45) (3851)، صحيح مسلم (4/ 1826) (2351)، عمدة القاري شرح صحيح البخاري (16/ 303).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

qor Allaha naftaydu Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee, xaq waxaan ahani kama soo baxaane

عن عبدِ الله بن عمرو رضي الله عنهما قال: كنتُ أكتبُ كلَّ شيءٍ أسمعُه من رسولِ الله صلَّى الله عليه وسلم أُريدُ حفْظَه، فنهتْني قريشٌ، وقالوا: أتكْتبُ كلَّ شيءٍ تَسمَعُه من رسول الله صلَّى الله عليه وسلم، ورسولُ الله صلَّى الله عليه وسلم بَشَرٌ يتكلَّمُ في الغضَبِ والرِّضا؟ فأمسَكتُ عن الكتاب، فذكرتُ ذلك لرسول الله صلَّى الله عليه وسلم، فأومأ بإصبَعِه إلى فيه، فقال: «اكتُبْ، فوالذي نفسي بيدِه، ما يَخرُجُ منه إلا حقٌّ».
Cabdullaahi Binu Camar Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Waxaan qori jiray wax kastoo aan ka maqlo Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee anoo raba inaan xifdiyo, waxaa ii diiday arinkaa quraysh, waxayna i dheheen: ma waxaad Rasuulka ka qoraysaa wax kasta oo aad ka maqasho, Rasuulkuna nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waa bashar oo caro iyo caro la'aanba wuu hadlayaa?, waan joojiyey qoraalkii, waxaanan u sheegay Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, wuxuu afka ku fiiqay fartiisa, wuxuuna yiri: "qor Allaha naftaydu Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee, xaq waxaan ahani kama soo baxaane."
Waxa wariyay Abuu Daa'uudDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Cabdullaahi Binu Camar wuxuu yiri: Allaha ka raali ahaadee waxaan ka qori jiray Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wax kastoon ka maqlo, si aan qoraalka ugu xifdiyo, rag quraysh ka mida ayaa ii diiday, waxay i dheheen: Rasuulku waa bashar oo wuu hadlayaa isago caraysan ama faraxsan wuuna gafi karaa ee ka jooji qoraalka. Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan u sheegay waxay igu dheheen ragaasi, wuxuuna ku ishaaray fartiisa Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee afkiisa, wuxuuna yiri: qor, Allaha naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee waxan xaq ahayni kama soo boxo xaalad walbee, caro iyo caro la'aanba. Ilaahay sareeye wuxuu ka yiri Nabigiisa scw: "Nabigu hawadiisa kama hadlo * ee wuxuu ku hadlaa waxyi loo waxyooday" [suurada Anajm 3-4].

Faa’iidooyin
  1. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, macsuum ayuu ku yahay Diinta Rabigiis uu ka gaarsiinayo dadka, markuu ku jiro caro iyo faraxba.
  2. Asaxaabtu aad bay ugu dadaali jireen ilaalinta iyo xifdinta sunada Rasuulka scw iyo gaarsiinteeda.
  3. Dhaartu way banaan tahay marka aanad u dhaaranayn wax dan ku jirto, sida adoo adkaynaya arin.
  4. Cilmiga oo la qoro waa asbaabta ugu muhimsan ee lagu xifdiyo cilmiga.
Tixraac

سنن أبي داود (5/ 489) (3646)، شرح سنن أبي داود للعباد (412/ 21).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com