U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Quraanka soo dagidiisii iyo aruurintiisii

1 xadiis

Nabigu scw ma uu aqoon sida loo kala jaro suuradaha ilaa ay ku soo dagtay aayada bisinku {بسم الله الرحمن الرحيم }

عَنِ ‌ابْنِ عَبَّاسٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُمَا قَالَ: كَانَ النَّبِيُّ صَلَّى اللهُ عَليهِ وَسَلَّمَ لا يَعْرِفُ فَصْلَ السُّورةِ حَتَّى تَنْزِلَ عَليْهِ {بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ}.
Ibnu Cabbas Allaha ka raali ahaado isaga iyo aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu scw ma uu aqoon sida loo kala jaro suuradaha ilaa ay ku soo dagtay aayada bisinku {بسم الله الرحمن الرحيم }.
Waxa wariyay Abuu Daa'uudDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

ibnu Cabbaas wuxuu cadeeyey in Qur'aanku ku soo dagaayey Rasuulka naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate isaguna aanu aqoon sida loo kala jaro iyo dhamaadka suurada, ilaa uu ku soo dagay bisinku oo uu ogaado in suuradii hore dhamaatay, oo ay suurad cusub bilaabatay.

Faa’iidooyin
  1. Bisinka waxaa lagu kala saaraa suuradaha, suurada Alanfaal iyo tawba maahee.
Tixraac

سنن أبي داود (2/ 91) (788)، شرح سنن أبي داود للعباد (102/ 15)، التنوير شرح الجامع الصغير (8/503)، عون المعبود (2/353).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com