عَنْ عَبْدِ اللهِ بنِ عُمَر رضي الله عنهما قال: قال رسولُ الله صلى الله عليه وسلم: «بُنِيَ الْإِسْلَامُ عَلَى خَمْسٍ: شَهَادَةِ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ، وَأَنَّ مُحَمَّدًا عَبْدُهُ وَرَسُولُهُ، وَإِقَامِ الصَّلَاةِ، وَإِيتَاءِ الزَّكَاةِ، وَحَجِّ الْبَيْتِ، وَصَوْمِ رَمَضَانَ».
Cabdullaahi Binu Cumar-Allaha ka raali ahaado isaga iyo abihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: -Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Islaamka waxaa lagu dhisay shan tiir: in la qiro inuusan jirin Ilaah xaq lagu caabudo, Ilaahay mooyee, Maxamedna yahay adoonkii Ilaahay iyo Rasuulkiisii, Salaada oo la oogo, Sakada oo la bixiyo, Xajka oo la guto iyo Bisha Ramadaan oo la soomo."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku shabahay Diinta Islaamka dhismo aad loo adkeeyey, oo leh shan tiir oo dhismaha xambaarsan, qaybaha kale ee Islaamkuna waa sida dhismaha dhamaystirkiisa oo kale. Tiirarkana waxaa ugu horeeya: in la qiro Ilaahay mooyee in uusan jirin Ilaah kale oo xaq lagu caabudo, Maxamedna Rasuulka Ilaahay yahay, labadaasi waa hal tiir oo kaliya, oo aan kale harikarin, waa in Adoonku labadaas ku dhawaaqo isagoo aqoonsan in Ilaahay kaligi yahay, oo isagu keligii xaq u leeyahay cibaadada cid kalena aysan lahayn, oo ku camal fala waxay keenayso, isagoo rumaysan Risaaladii Nabi Maxamed nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee una hogaansan. Tiirka labaad: waa Salaada oo la oogo, waana Salaadaha shanta ah ee faralka ah Maalintii iyo Habeenkii: waa Fajarka, Duhurka, Casarka, Maqribka iyo Cishaha, iyadoo lala imaanayo shuruudeeda, arkaanteeda, iyo waajibaadkeeda. Tiirka seddexaad: waa bixinta Sakada waajibka ah, waana cibaado Maali ah, oo ku waajibtay maalkasta oo gaaray intii Shareecadu xadaysay, iyadoo la siinayo dadka xaqa u leh. Tiirka Afraad: waa Xajka, waana in la aado Makkah si loo guto howlaha Xajka, iyadoo Ilaahay loogu dhawaanayo. Tiirka Shanaad: waa Soonka Ramadaanka, waana in laga af xirnaado cuntada iyo cabitaanka iyo wixii soo raaca ee ka duwan oo Soonka jabin kara, isagoo niyoonaya inuu Ilaahay ku caabudo, laga bilaabo waqtiga Fajarka ilaa qoraxdu dhacdo.
Faa’iidooyin
- Labada Ashahaado way isku xiran yihiin oo midkood ansixi mayso ilaa tan kale la la yimaado, sidaasaa hal tiir looga dhigay.
- Labada Ashahaado waa aasaaska Diinta, oo Ilaahay ma aqbalayo qawl iyo camal iyaga la`aantood.
Tixraac
صحيح البخاري (1/ 11) (8)، صحيح مسلم (1/ 45) (16)، و(1/ 88) (82)، فتح الباري لابن رجب (1/ 22)، جامع العلوم والحكم (1/147)، شرح الأربعين لابن العطّار (ص 62)، شرح الأربعين النووية لعبد الكريم الخضير (ص 87)، فتح القوي المتين في شرح الأربعين للعباد (ص 29)، شرح الأربعين النووية لصالح آل الشيخ (ص 91 - 95)، التحفة الربانية لإسماعيل الأنصاري (ص 12).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعن المقدام بن معدِيْكَرِب رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «أَلَا هَلْ عَسَى رَجُلٌ يَبْلُغُهُ الْحَدِيثُ عَنِّي وَهُوَ مُتَّكِئٌ عَلَى أَرِيكَتِهِ فَيَقُولُ: بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمْ كِتَابُ اللهِ، فَمَا وَجَدْنَا فِيهِ حَلَالًا اسْتَحْلَلْنَاهُ، وَمَا وَجَدْنَا فِيهِ حَرَامًا حَرَّمْنَاهُ، وَإِنَّ مَا حَرَّمَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ كَمَا حَرَّمَ اللهُ».
Almiqdaam Binu macdi yakrib Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri-: "War hooy ma laga yaaba in Xadiiskaygu gaaro nin Fadhigiisa ku dangiiga oo uu yiraahdo : waxaa anaga iyo adinka inoo dhexeeya Kitaabka Ilaahay, waxaan ka helno ee xalaal ah waan xalaashanaynaa, waxaan ka helno ee xaaraan ahna waan iska xarimeynaa, hadaba wuxuu xarimay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waa sida waxa Ilaahay xarimay".
waxaa wariyey Abuu daawuud,tirmidi,ibn maajahDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inuu soo dhawaaday waqti ay orondoonaan dadka qaarki iyagoo fadhiya, oo midkood ku dangiiga gogoshiisa, oo uu soo gaaro Xadiiska Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, oo markaas uu dhaho: waxaan ku kala baxaynaa Qur'aanka kariimka ah isagaana nagu filan, waxaan ku aragno ee xalaal ah waan ku camal falaynaa, waxaan ku aragno ee xaaraan ahna waan ka fogaanaynaa. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, ka dib wuxuu cadeeyey wax kastoo Nabigu xarimay ama ku reebay Sunadiisa inuu la mid yahay xugunka Ilaahay ku xarimay Kitaabkiisa, waayo Nabigu Ilaahay ayuu fariinta ka sidaa.
Faa’iidooyin
- Xadiiska waxaa ku sugan in Sunada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee loo weyneynayo sida Qur'aanka loo weyneeyo waxna waa laga qaadanayaa.
- Adeecida Rasuulka waa adeecida Ilaahay, ku caasinta Rasuulkana waa ku caasinta Ilaahay.
- Xadiiska waxaa ku sugan xujonimada Sunada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee iyo in laga difaaco Sunada kuwa la dirirsan ama diidan.
- Qofka diidan Sunada ee sheegta inuu Qur'aanka ku gaabsanayo, waa mid labadaba diidan oo ka been Sheegaya wuxuu sheganayo oo ah inuu Qur'aanka raacayo.
- Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, nabinimadiisa waxa cadaynaya waxaa ka mid ah: inuu sheego shay dhicidoona mustaqbalka, shaygiina sidii uu u sheegay u dhacayo.
Tixraac
سنن أبي داود (7/ 13) (4604)، سنن الترمذي (4/ 399) (2664)، سنن ابن ماجه (1/ 9) (12)، نخب الأفكار في تنقيح مباني الأخبار في شرح معاني الآثار (13/ 154).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنْ أَبِي عَبْدِ الرَّحْمَنِ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عُمَرَ بْنِ الخَطَّابِ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ: سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ: «بُنِيَ الإِسْلَامُ عَلَى خَمْسٍ: شَهَادَةِ أَنْ لَا إلَهَ إلَّا اللَّهُ وَأَنَّ مُحَمَّدًا عَبْدُهُ وَرَسُولُهُ، وَإِقَامِ الصَّلَاةِ، وَإِيتَاءِ الزَّكَاةِ، وَحَجِّ الْبَيْتِ، وَصَوْمِ رَمَضَانَ».
"Islaamka waxaa lagu dhisay shan tiir: in la qiro inuusan jirin Ilaah xaq lagu caabudo, Ilaahay mooyee, Maxamedna yahay adoonkii Ilaahay iyo Rasuulkiisii, Salaada oo la oogo, Sakada oo la bixiyo, Xajka oo la guto iyo Bisha Ramadaan oo la soomo."
رواه البخاري ومسلمDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku shabahay Diinta Islaamka dhismo aad loo adkeeyey, oo leh shan tiir oo dhismaha xambaarsan, qaybaha kale ee Islaamkuna waa sida dhismaha dhamaystirkiisa oo kale. Tiirarkana waxaa ugu horeeya: in la qiro Ilaahay mooyee in uusan jirin Ilaah kale oo xaq lagu caabudo, Maxamedna Rasuulka Ilaahay yahay, labadaasi waa hal tiir oo kaliya, oo aan kale harikarin, waa in Adoonku labadaas ku dhawaaqo isagoo aqoonsan in Ilaahay kaligi yahay, oo isagu keligii xaq u leeyahay cibaadada cid kalena aysan lahayn, oo ku camal fala waxay keenayso, isagoo rumaysan Risaaladii Nabi Maxamed nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee una hogaansan. Tiirka labaad: waa Salaada oo la oogo, waana Salaadaha shanta ah ee faralka ah Maalintii iyo Habeenkii: waa Fajarka, Duhurka, Casarka, Maqribka iyo Cishaha, iyadoo lala imaanayo shuruudeeda, arkaanteeda, iyo waajibaadkeeda. Tiirka seddexaad: waa bixinta Sakada waajibka ah, waana cibaado Maali ah, oo ku waajibtay maalkasta oo gaaray intii Shareecadu xadaysay, iyadoo la siinayo dadka xaqa u leh. Tiirka Afraad: waa Xajka, waana in la aado Makkah si loo guto howlaha Xajka, iyadoo Ilaahay loogu dhawaanayo. Tiirka Shanaad: waa Soonka Ramadaanka, waana in laga af xirnaado cuntada iyo cabitaanka iyo wixii soo raaca ee ka duwan oo Soonka jabin kara, isagoo niyoonaya inuu Ilaahay ku caabudo, laga bilaabo waqtiga Fajarka ilaa qoraxdu dhacdo.
Faa’iidooyin
- Labada Ashahaado way isku xiran yihiin oo midkood ansixi mayso ilaa tan kale la la yimaado, sidaasaa hal tiir looga dhigay.
- Labada Ashahaado waa aasaaska Diinta, oo Ilaahay ma aqbalayo qawl iyo camal iyaga la`aantood.
Tixraac
صحيح البخاري (1/ 11) (8).
صحيح مسلم (1/ 45) (16)، و(1/ 88) (82).
فتح الباري لابن رجب (1/ 22).
جامع العلوم والحكم (1/147).
شرح الأربعين لابن العطّار (ص 62).
شرح الأربعين النووية لعبد الكريم الخضير (ص 87).
فتح القوي المتين في شرح الأربعين للعباد (ص 29).
شرح الأربعين النووية لصالح آل الشيخ (ص 91 - 95).
التحفة الربانية لإسماعيل الأنصاري (ص 12).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com